AL Shabaab oo dad shacab ah ku toogtay degmada Saakoow

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada Dhexe, Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay Axaddii shalay degmada Saakow ee Gobolka Jubada dhexe ku toogteen lix ruux oo ku eedaysnaa basaasnimo. War ka soo baxay Al-shabaab, ayaa lagu sheegay in lixdaas ruux dhammaantood ahaayeen jawaasiis u shaqeeya hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da.

Al-shabaab ayaa sheegay in  dadka la toogtay ayaaheen shan nin iyo qof dumar ah oo dhammaantood bixiyay macluumaad sirdoon oo ku saabsan Al-shabaab. Dadka la toogtay ayaa lagu sheegay magacyadooda: Cumar Cabdulqaadir Hiiraale, Cabdi Xasan Axmed, Ibraahim Cumar Cali, Sadaam Cusmaan Maxamed, Aweys Xasan Xaaji iyo Fartuun Cumar Abkow.