Al Shabaab oo dad rayid ah ka afduubay Degaano ka tirsan Gobolka Bay

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo Gobolka Bay ee ka tirsan Dowlada Goboleedka Hirshabeelle,  dagaalyahaano hubeeysan kana tirsan ururka Al Shabaab ayaa dad shacab oo u badan Reer miyi ka qafashay deegaano kamid ah gobolka Bay sida ay Halgan Media u xaqijiyeen ilo xog ogal ah.

Warkaan oo la xaqiijiyay ayaa sidoo kale sheegaya in Ururka Al Shabaab oo aad hubeysanaa ayaa jidka u galay dad rayid oo la ocday Kareeto xili ay marayeen mel udhow degaanka Raaxoole oo 6 KM u jirto degmada Diinsoor, kadibna afduubtay. Qaar kamid dadka la weeraray ayaa nasiib u helay in ay baxsadaan, halka inta kale ee la qabtay aan la Ogeeyn meesha ay Al Shabaab u kexeeyateen.

 Dadka laga afduubay duleedka Diinsoor magacooda ayaa waxa magacyadooda lagu sheegay:

  • Cali Janaay Nuurow Xasan
  • Cusman Cali Bari
  • Cabdiqalif Cali
  • Cabdirashid Cali

Dhaqdhaaqa Ururka  Al Shabaab ayaa laga dareemayaa dhamaan guud ahaan dalka oo dhan gaar ahaan deegaanada hoosyimaada Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!