Wararka naga soo gaaray deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in halkaasi saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay saddex ruux oo kala ah maamo lagu sheegay magaceeda Salaado, wiil ay dhashay iyo waliba mid u shaqeynayay intaba.
Dadka la dilay ayaa la tilmaamay in ay ahaayeen beeraleey ku nool deegaanka golweyne islaamrkaana dilkoodu uu dhacay xilli ay u hoyaadayeen gurigooda.
Saalim Warfaa guddoomiye ku xigeenka qorsheenta ee magalaada marka ee gobolka Shabeellada Hoose oo la hadlay warbaahinta Kulmiye ayaa shaaca ka qaaday in dadka rayidka ahaa ee la dilay ay masuul ka ahaayeen dilkooda dagaalameyaasha al-shabaab.
Intaasi ayuu ku daray hadalkiisa in goobta uu falka dilka ah ka dhacay goob aan ka fogayn ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda ayna ku baxeen hayeeshee ay usduurtageli weysay in ay gacanta ku dhigaan dadka dilkaas ka dambeeyay.