Al-shabaab oo caawa weerar ku qaaday Degmada Qoryooleey (Faah-faahin)

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Caawa degmada weerar culus ku qaadeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Qoryooley ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka oo saacado badan qaatay ciidamada dowladda iyo Al-shabaab isku weydaarsadeen hub culus.

Ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Qoryooley oo gacan ka helay ciidamo kale oo gurmad ah ayeey wararku sheegayaan in ay iska caabiyeen xoogagga weerarka soo qaaday oo adeegsaday hub culus.

Al-shabaab ayaa weerarrada ugu badan ka geysta gobolka Shabeellaha Hoose oo ay ku xooggan yihiin.