Al Shabaab oo burburisay deegaano kamida Muqdisho iyo Booliska oo ka hadlay

Reading Time: < 1 minute

Al Shabaab ayaa xalay cagta marisay qeybo kamida magaalada Muqdishio iyada oo saakay la ogaaday ilaa xadka uu gaarsiiysan yahay burburka ka dhashay weeraradii ay xalay kusoo qaadeen qaybi kamida magalaada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed Cabdifatax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Xalay seqdii dhexe xili ay ku beegneeyd lixsaac oo habiinimo Saldhiga degmada kaxda iyo xaafadda Daarusalaam ay xubno ka tirsan Al-shabab ay ku  qaadeen weerar Xoogan, kaa oo sida uu sheegay ay iska difaceen Ciidamada Dowladda.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed ayaa ugu horeeyntii Sheegay in Degmada kaxda ,xubno ka titsan Al-shabaab ay weer ku qaadeen Saldhiga degmada kaxda, Isagoona shegay in ay Al-Shabaab ku waxyeeleeyen Dad shacab ah oo saldhiga ka agdhawaa iyo Saldhiga Booliska Degmada Kaxda.

“Muhiimadda loo weeraray Degmadaasi waxa ay aheeyd Degmada oo beryahan waday Hormar dhanka is kaashiga ah, Dhismooyinka iyo Wadooyinka oo ay inta badan degmadaasii ku bogaadisay Dadka Hormarka ay waddo, waxaana ka hortagay Ciidamada Dowladda”,, ayuu yiri Afhayeenka Booliska oo warbaahinta la hadlayay.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa sheegay in Kooxda Al-Shabaab ay weerareen Degaanka Daarusalaam, halkaasna uu ka dhashay Khasaaraha  ilaa iyo 16 qof oo dhaawac ah dhimashada 2 qof iyo 3 askari oo ay oo gareen Waxyeelo xoogan.

Waxaa guud ahaan magaalada Muqdisho ka jira cabsi iyo walwal la soo darsay dadka ku dhaqan magalaada iyada oo aad looga cabsi qabo in Al Shabaab ay xoog ku qabsadaan qeyo kamida magaalada.