Al Shabaab oo bilaabay in ay deegano cusub ka qabsadaan Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo hogaanka Galmudug ku mashquulsan yihiin arimaha dowlada Federaalka, iyo madaxweyne Qoor-Qoor oo deegan ka dhigtay magalaada Muqdisho ayaa dhanka kale Dagaalyahanahada ururka Aragagaxisa Al-shabaab, bilaabeen in ay la wareegaan deegaano hor leh oo ka tarsan Dowlad Gobeelka Galmudug.

Sida aya sheegayaan wararka ka imaanaya Magalaada Gaalkacyo ayaa sheegya in Al Shabaab la waregeen tuulada Cimaamad, oo qiyaastii 15km u jirta degaanka Wisil ee Koonfurta Gobolka Mudug. Waxaa shacabka ku dhaqan deegaanka Hobyo iyo agaagaarkeeda la soo darsay cabsi iyo wal wala cusub.

Dhanka kale goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay, in Al-shabaab si buuxda ula wareegay tuulada Cimaamad, kadib iska hor-imaad kooban oo dhexmaray iyaga iyo shacabka degaankaas. Weli lama soo werin, wax khasaare ah oo ka dhashay iska hor-imaadka xalay dhexmaray Al-shabaab iyo dadka ku dhaqan tuulada Cimaamad, halkaas oo kooxdu la wareegtay. Dadka ku nool tuulada Cimaamad, ayaa la sheegay in ay hore u diideen fulinta amar kaga yimid Al-shabaab, oo la xiriiray in ay bixiyaan Xoolo Sakawaad ah.