Al-shabaab oo amar kusoo rogtay Ganacsatada Wadada Sodonka Ee Magaalada Muqdisho !!

Reading Time: < 1 minute

Wararka aynu heleeyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Rag ka tirsan Kooxda Al-shabaab ineey si toos ah ganacsatada Magaalada muqdisho gaar ahaan kuwa Dukaamanka ku leh wadada sodonka  Amar kusoo rogeen kaasi oo ah ineeyna Bixin Karin Canshuurta Degmooyinka.

Sidoo kale wararka aynu heleeyno ayaa waxaa ay sheegayaan in Al-shabaab ay ku wargeliyeen Ganacsatadaasi in ay Waqtiyadda Salaada Xiraan Goobaha ganacsiga Cidii ay dhega adeegtana la marsiin doono sharcigooda waxa uu dhigaayo oo ah dil.

Dadka amarkaasi la dhul-dhigay qaarkood oo la hadlay Muqdisho Online ayaa waxaa ay inoo xaqiijiyeen in ay Durba fuliyeen amarkaasi iyagoo ka baqanaya hadii ay diidaan in la dilo.

Ciidamadda amnigga oo Isgooys walbo jooga ayeey al-shabaab Magaalada waxaa ay ka sameeynayaan dhaqdhaqaaqyo amar taasna waxaa ay Daliil u tahay fashilka Dowlada Federaalka ah Ee Soomaaliya Iyo Maamulka Gobolka Banaadir