Al Shabaab oo amar cusub duldhigtay ganacsato ku ganacsata Gobolka Bay

Reading Time: < 1 minute

Ururka AL Shabaab oo dhaqadhaqaan xoogan ka waday asabuucyadii la soo dhaafay goud ahaan degaanada hoosyimaada  Dowlad Goboleedka Koonufr Galbeed, ayaa   amar cusub dul dhigay  todobo ganacsato ku nool degmada Diinsoor ee gobolka Bay in wixi hada laga bilaabo ay bixiyaan Zakawada iyo Canshuurta loogu talagalay.

Sida ay sheegeen Qaar kamid ganacsatada ku nool degmada Diinsoor ayaa sheegay maalintii  khamista ee na soo dhaaftay  tariikhduna ku beegneyd 17ka biisha June ayay Al Shabaab tadobo (7) ganacsato ay shaqsi shaqsi uso waceen, kadibna ku amreen in ay bixiyan Zakadwada iyo in sidoo kale inay bixiyaan canshuurta loogu talagalay hadii kale in tilaabo deg deg laga qaadi doona, taas oo micnaheeda loo fasiri karo in la begsan doono hadi ay iska dhagooleyen amarka.

Ganacaasatada oo gaaraysadan amarka cusub la duldhigay  ayaa sheegay in lacagta  ganacsi kastaa lagu qoray in ay  bixiyaan ay kala duwaan tahay, waxeyna gebi ahaanba ganacsatada ay yihiin dad magaalada Muqdisho badeeco kasoo rarta sida aan xogta ku helnay, waxaana loo badinayaa in sidaas awgeed ay Al Shabaab xogtooda ku heshay, madaam ay kooxda Al Shabaab magaalada Muqdisho ka dhigteen mel ay iyagoo leyihiin markii la firiyo sida waalida ay canshuurta uga gurtaan ganacsatada ku nool caasimada dalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!