Hay’adda Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegtay in Dhaq dhaqaaqa Alshabaab ay raadinayaan Mowliid Maxamed Bilaal oo u dhashay Dalka Kenya kaas oo kka mid ahaa saraakiisha ugu sarresay Alshabab ee Kenya ka soo jeeda.
Ninkan ayey Sirdoonka Kenya sheegeen in uu ka baxsaday Alshabaab markii loo diray howlgal uu ka fulin lahaa Gobolka Soomaalida ee Kenya ay maamusho.
Dhinaca kale Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in uu khilaaf soo kala dhexgalay Saraakiisha Kenyaanka ah ee ku jira ALshabab iyo hoggaanka ugu sarreeya.
Waxaa ay tusaale u soo qaateen Madaxii Alshabaab ee Kenya Axmed Iimaan Cali oo 22kii March ku dhintay duqeyn ka dhacday Bu’aale.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Axmed uu isku dayay in uu ka baxsado Alshabaab kuna biiro Ururka Daacish,waxaa uu geeriyooday isaga oo ku jiray Guri ku yaalla Bui’aale halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay sida ay sheegeen sirdoonka Kenya.
Hay’adaha amaanka ee Kenya ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation in Alshabaab ay hadda raadinayaan sarkaal sare oo ka soo jeeda dalka Kenya kaas oo noqonaya madaxa cusub ee ALshabaab u qaabilsanaanaya howlgallada Kenya.
Sirdoonka Kenya ayaa sheegaya in Khilaafka u dhaxeeya labada dhinac uu ka dhashay markii hoggaamiyaha ugu sareeya ALshabab oo ay sheegeen in uu xanuunsanayo uu diiday in uu xilka isaga dego.