AL Shabaab iyo ganacsatada suuqyada Muqadisho oo heshiis wadashaqayn ah gaaray

Reading Time: < 1 minute

Waxaa labadii asbuuc ee la soo dhaafay ka socday magaalada Muqadishu kulamo isdaba joog ah oo ay yeesheen kooxda Al Shabaab iyo ganacasatada ku ganacsata suuqyada magaalada Muqadishu. Shirarkaas ayaa la xiriiray qaabka loo bixiyo canshuuraha  iyo Zakooyinka la siiyo kooxda Al Shabaab.

AL Shabaab oo si joogta ah uga qaato lacag joogta ah ganacsatada waaweyn sida xawaaladaha iyo shirkadaha taleefanada iyo ganacsiga yar yar ayaa soo jeediyay in lacagta Zakadaha loo badalo lacag u dhiganta canshuur taas oo ka tarjumeysa culayska ganacsiga.

Wadahadal dheer ka dib ayaa labada dhinac isku afgarteen in lacagaha lagu bixiyo qaabka sakada iyada oo waqtiyo cayiman la bixin doono lacagahaas. Dhanka kale Al Shabaab ayaa markii ugu horeeystay waxa ay koonyito ka furteen bangiyada ka howlgala magaalada Muqadishu iyo Xaawaladaha halkaas oo si joogta ah lacagta loogu soo shubaayo.

Dhanka kale Al Shabaab ayaa u xaqiijiyay ganacsatada in ayan jirin doonon dad lagu dilo suuqa bakaaraha ilamaa uu yahay qof hubaysan ama hub la soo galo suuqa Bakaaraha. Talabadaani ayaa u fududeynaysa ganacsata suuqa bakaaraha in mas’uuliyiin ka mida dowlada ay yimaadaan degaanka Baraakara oo dano badan uga xiran tahay.

Awooda Al Shabaab ku leeyahay magaalada Muqadishu ayaa maalinba maalinta ka danbeeysa soo kordhaysa iyada oo saameynta dowlada Fedaraalkana ay sii yaranayso.