Al-shabaab iyo dad Shacab ah oo ku Dagaalamaya Gobolka Sh/dhexe

Reading Time: < 1 minute

Wararka aynu ka heleeyno Deegaanka Guulane Ee Gobolka shabeellada Dhexe  ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya Kooxda Al-shabaab iyo Dadka deegaanka kaasi oo dhaliyay Qasaaro iskugu Jira Dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray  Labada dhinac.

KooxdaAl-shabaab ayaa Gubtay Inta badan Guryaha ku yaala Deegaanka Guulane waxaana ay ku sheegeen dadka Deegaankaasi kuwa ka dhega adeegay Awaamiirtooda islamarkaana sidaasi ay u gubeen.

Qaar ka mid ah Dadka deegaan oo Nala hadlay waxaa ay inoo sheegeen in ay lasii dagaalamayaan Al-shabaab inta ay ka nooshahay Gabar sida ay hadalka u dhigeen,waxeeyna wacad ku mareen in aysan aqbali doonin in Al-shabaab Baneeystaan Xoolahooda.

Dagaalka oo Cuslaa ayaana si rasmi ah loo xaqiijin Karin Qasaaraha rasmigga ah Ee ka dhashay,hase’yeeshee waxaa inoola xaqiijiyay in uu jiro Qasaare soo kala gaaray Labadda Dhinac.