Al-Shabaab iyo Ciidamo Mareykanka uu Tababaray oo ku dagaalamay Aala Yaasir

Reading Time: < 1 minute

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamadda Bangaraaf uu Mareykanka Tababaray.

Dagaalkaan ayaa ka dhacay deegaanka Aala Yaasir ee kaabiga ku haya garoonka Lambar 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida naloo xaqiijiyay dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa jidka u galay Ciidamadda Bangaraaf oo ku socdaalayay deegaankaas,waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus.

Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalka Ciidamadda Dowladda loogu gubay gaari dagaal,islamarkaana laga dilay tiro askar ah.

Dhanka kale Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo weerarka ka dhacay deegaanka Aala Yaasi