Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray deegaano duleedka ka ah degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya gaar ahaan kuwa Mareykanka Uu tababaray ee Bangaraafta ku leeyihiin deegaanka Sabiid oo ay dhawaan la wareegeen.
Dagaal mudo saacad ka badan socday ayaa halkaasi ku dhexmaray ciidamada Dowladda iyo Ururka Al-Shabaab,waxaana dadka deegaanka sabiid ay sheegeen in dagaalka uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac ah.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in ay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab,isla markaana khasaaro ay ku gaarsiiyeen sida ay hadalka u dhigeen.
Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa warar ay ku qoreen Baraha internet-ka waxa ay ku sheegeen in weerarkaas ay ku qabsadeen mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Dowladda ee deegaanka Sabiib,isla markaana askar ay ku dileen.
Deegaanada Sabiib iyo Caanoole ee duleedka degmada afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa dhowr todobaad ka hor waxaa Ciidamada Dowladda ay kala wareegeen Ururka Al-Shabaab, iyada oo saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab.