Al-Shabaab iyo AMISOM oo dagaal adag ku dhexmaray Gobolka Jubbada Hoose

Reading Time: < 1 minute

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo xubno ka tirsan Al-shabaab ayaa waxaa uu saqdii dhexe ee xalay ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Dad ku nool degaanka dagaalka ka dhacay ayaa sheegay  in dagaalka uu bilowday ka gadaal, markii Al-shabaab weerar loo adeegsaday Madaafiic ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Hoosingoow ee Jubbada Hoose ee Maamulka Jubbaland. Dadka deegaanka ay maqlayeen dhawaqa rasaas xoogan oo la is dhaafsanayay, in kastoo aysan xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo weerarkii dhacay.

Waxaa kaloo la sheegayaa in Ciidanka Kenya ee ku sugnaa deegaanka Hoosingoow ay tuureen Madaafiic Jawaab ah oo aan la ogeyn halka ay ku dhaceen, waxaana saaka degan xaaladda deegaankaas.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!