Iyadoo Al-shabaab ay horey u go’doomiyeen deegaano iyo dagmooyin ka tirsan maamulka koon-fur galbeed soomaaliya ayaa hada waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagmada buulabarde ee gobolka hiiraan ay kamid noqotay deegaanada Al-shabaab ay ka go’doomiyeen raashiinkii lageyn lahaa dagmadaasi.
Dadka ku nool dagmada buulabarde ee gobolka hiiraan ayaa waxaa soo wajahday xaalad adag kadib markii raashiinkii yaalay dagmada ay dhamaadeen raashiin kalana aan lageyn karin kadib Al-shabaab markii ay hareereeyeen dagmada buulabarde.
Gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada dagmada buulabarde mire xuseen siyaad oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dagaalyahanada Al-shabaab ay buulabarde cunaqabateen ku soo rogeen sheegeyna in wax cunno ah lasoo galinkarin dagmada ku sugan yihiin deegaanada u dhow dhow buulabarde.
Hadalka gudoomiye ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada dagmada buulabarde ee gobolka hiiraan ayaa imaanaya iyadoo ay maalmo kooban ka harsan tahay bisha ramadaan shacabka ku dhaqan buulabardena ay haysanin wax cunna ah ay ku gaaraan bisha ramadaan.