AL Jazeera oo ka hadashay Heshiiskii Dekadaha Soomaaliya iyo Itoobiya?

Reading Time: < 1 minute

Idaacadda Al Jazeera ayaa waxaa ay ka hadashay heshiiska deg-deg ahaa ee dowlada Itoobiya la gashay dowlada Soomaaliya. Idaacada ayaa ku tilmaamtay heshiiskaas mid fari ku gudan tahay oo aan dan Soomali ku jirin, waxa ay tiri “maxaa keenay in RW Ahmed Abiy Muqadishu tago iyada oo dhaxal-sugaha boqortooyadda Imaaraadka uu ku sugan yahay dalka Itoobiya” wargeeyska ayaa intaas ku daray “waxa wax lala yaabo ah waxa isku soo aadiyay lacagta faraha badan leh ee Imaaraadku siiyeen Itoobiya iyo safarka RW Axmed Abiy ku tagay Muqadishu, waxaa ay u muuqataa mid qiyaano ku jirto?”

Idaacada Al Jazeera oo ay leedahay dowlada Qatar, ayaa dowladda Qatar si wayn ugu soo horjeedaa siyaasadda ah in dowladda imaaraadku deegaan culus ku yeelato Soomaaliya, kulanka labada dhinac (Soomaaliya iyo Itoobiya) ayaa ay u aragtaa in uu ka hor imaanayo danaha dowlada Qatar.

[fms2018_mecze] [fms2018_ranking] [fms2018_stats]