(Akhriso) Xog dheeri ah oo an ka helnay kulamadii qarsoodiga ah ee Fahad & Abshir Bukhaari

Reading Time: 2 minutes

Sidaan hore idiinku soo gudbinay waxaa maalmahii u danbeeyay socdey wadahadalo qarsoodi ah oo u dhexeeyay qaar ka mid ah mucaaradka dowladda federaalka ka soo horjeeda iyo Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin oo dadka Soomaaliyeed ay u yaqaanaan “MILKIILAHA FARMAAJO”

Kulamadan oo in dhaweydba socday, qaarkoodna horey uga dhacay meelo dalka ka baxsan, sida magaaladda Istanbul ee dalka Turkey, Doha Qatar iyo Addis Ababa Ethiopia ayaa waxaa uu u dhexeeyay Gudoomiye Ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari Iyo Fahad Yaasiin Daahir, waxaana looga hadlaayey sidii Mucaaradka iyo Dowladda ay wada heshiin lahaayeen awoodahana loo qeybsan lahaa.

Hase ahaatee intii lagu guda jirey bishan Oktober ee 2019 ayaa wax Xamar ka dhacay ilaa afar kulan oo sida aan warka ku helnay kuwaasoo dhaxmaray

  1. Xildhibaan Cabdisaabir Shuuriye.
  2. Xildhibaan Cabdishakuur Mire.
  3. Xildhibaan Maxamuud Xayir.
  4. Senator Abshir Bukhaari.
  5. Xildhibaan Xasan Macalin.
  6. Fahad Yaasiin.
  7. Sayid Cali Cabdulle.
  8. Xildhibaan C/raxmaan Odawaa.
  9. Xildhibaan Xuseen iidow.
  10. Xildhibaan Mahad Salad
  11. Xildhibaan Cali Xoosh

Maadaama kulamadii hore hadba ay heer soo maraayeen, waxaa Kulankii ugu dambeeyey la isku sheegey in awooda la qeybsado.

Fahad Yaasiin ayaa soo jeediyey in hadii ay mucaaradku ogolaadaan mudo kororsi 4 sano ah in la siinaayo kala bar Golaha Wasiiradda, kala bar Agaasimeyaasha Guud, Kala bar taliyeyaasha ciidamadda Kala Bar safiiradda iyo Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ee Caasaimadda Muqdisho.

Fahad Yaasiin ayaa goobta ka cadeeyey in Gorgortankan siyaasadeed uu wakiil uga yahay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, lana og yahay Ra’iisul Wasaaraha Xasan Cali Kheyre.

Mucaaradka ayaa ku kala qeybsamey arintan, waxaana socda shirar mucaaradku ay ka yeelanayaan arintan, qaar ka mid mucaaradka ayaa qaba in arinta sideeda loo qaato, qaarna waxaa ay qabaa in xilka Ra’iisul wasaaraha loogu soo daro, oo mucaaradku Ra’iisul Wasaare Cusub ay la yimaadaan, ahaatee Fahad Yaasiin ayaa yiri “xilka Ra’iisul Wasaaraha iyo jiritaankeyga ayaa isku xiran waxaana fudud kan Madaxweynaha”.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa muuqda in Farmaajo uu noqoday shaqsi aad u liita oo dad gaar ah meel ugu xiran, Xildhibaano badan oo la soo halgamay aya hadda kusoo biiray mucaaradka waxayna kulligood ka siman yihiin hal arrin oo ah in uu Farmaajo Fahad meel ugu xiran yahay, wax walba oo aan ugu tagnana uu na leeyahay Fahad ka soo dhameeya aniga dhakeeyga waa OK, taasoo keentay in uu ku waayo saaxibo iyo caa’ilo badan.

Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa soo ifbaxaya arimo murugo badan oo ceeb ku ah Dowladnimada Soomaaliya, tusaale Xaaladda Jubbaland iyo Sida ay dowladda Dhaxe ula dhaqantay Dadka reer jubbaland.

Heshiiskii lala galay Ahlusuna iyo sida looga baxay loogana beensheegey Culimadda iyo dadka reer Galmugud ee maamulkooda lagu cayaaraayo maalin walba.

Dhibaatooyin lagula kacay Doorashooyinkii Puntland, lacagihii lagu bixiyey iyo weli dhibka hada lagu haayo Puntland, waatan baarlamaankeeda la dhec geeyey lacago fowdo lagu abuuro iyo xildhibaano inta xamar loogu yeerey laaluush la siiyey si ay u dumiyaan Puntland oo ah Hooyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa la wada og soon yahay wixii ka dhacay koonfur galbeed soomaaliya oo xitaa ay dad badan ku geeriyoodeen oo ilaa iyo hadda beesha caalamku ay aqoonsan la’adahay.

Fiiro gaar ah Xogtan waxaa nala wadaagay qaar ka mid ah xildhibaanadii ka qeyb galay shirarka Fahad Yasin & Abshir Bukhaari oo naga codsaday in aanan magacyadooda la sheegin.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!