Dowladda Federaalka ayaa ku soo rogtay dal-kugal dhammaan muwaadiniinta sita Passporka Kenya, waxaana lagu war geliyay in aay dal kugal kasoo qaataan Safaaradda Somalia ay ku leedahay magaalada Nairobi, iyadoo dadka wata Passporka Diblomaasiga Kenya lagu amray in aay warqad ogolaasho ah ka soo qaataan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana diblomaasiyiin Kenyan ah oo la hadlay MOL aay noo sheegeen in Dowladda Kenya aay qaadi doonto tallaabo ka dhan ah daandaansiga Dowladda Somalia.
“Waxaan tixgelineynay darisnimada, balse waxaa noo caddaatay in Farmaajo uu u adeegayo dano shisheeye oo raba in lakala gooyo xiriirka soo jireenka ah ee Somalia & Kenya” ayuu yiri diblomaasiga oo diiday in aan magaciisa sheegno
Xiisadda Diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Somaaliya iyo Kenya ayaa saameyn taban ku yeelatay ganacsatada khaadka Kenya, waxeyna dadka ka ganacsada iyo kuwa tabcadaba ay sheeganayaan nolol xumo aad u liidata.
Xiisada labada dal aad ayey usii xumaatay kadib markii todobaadkii hore ay dowladda Soomaaliya u yeertay safiirkii u fadhiyay dalka Kenya, waxaana xigay in midka Kenya u fadhiyay Muqdisho ay ku amartay inuu tashi ugu laabto dalkiisa.
Horaantii sanadkaan dowladda Soomaaliya waxey joojinta khaadka sabab uga dhigtay jiritaanka xanuunka COVID19, balse waxaad moodaa in bilooyinkii ugu dambeeyay ay soo baxday iney arintu ka weyn tahay maadaama khaad laga keeno dalka Itoobiya la geeyo magaalooyin ka tirsan Soomaaliya.
Marry Ntonja oo ah haweeney dalka Kenya u dhalatay kana mid ah beeraleyda khaadka ayaa BBC-da uga warbixisay xaaladeeda nololeed tan iyo markii la joojiyay khaadka, waxeyna sheegtay iney waayeen wax ay cunaan.
“Dhibaato noolaleed ayaan dareemeynaa, waxaa nasoo wajahay faqri, lacag la’aan darted, in aan wax cunno waa dhib, dharkii way naga dhammaadeen, caruurta wax aan siino ma lahan, dhibaato ayaa inagu habsatay tan iyo markii la mamnuucay in la dhoofiyo jaadka” ayay tiri Marry oo la hadleysay BBC-da.
Beeraleyda Jaadka waa markii labaad oo ay la kulmayaan jab weyn maadaama lix sano ka hor dalweynaha Britain laga joojiyay in loo dhoofiyo khaadka, waxeyna taasi keentay in suuqa ugu weyn oo ay heystaan dadka reer Kenya uu noqdo Soomaaliya.
Sida laga soo xigtay ururka ay ku midoobeen ganacstada jaadka Kenya, maalintiiba 50 tan oo khaad ah ayey u dhoofin jireen Soomaaliya, waxeyna ka heli jireen lacag lagu qiyaasay 140 kun oo Doolar, balse waxaas oo dhan meesha ayey ka baxeen waxaana soo wajahday nolol xumo baahsan.
Inta la ogyahay Dowladda Soomaaliya waxey Kenya ku eedeysay ineysan dhanka diblomaasiyadda aad ugala shaqeyn, waxeyna hordhigtay shuruudo adag si loo fasaxo jaadka.
Walow ay Kenya beenisay hadana Kenya waxaa lagu eedeeyay iney si dadban faragalin ugu heyso siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan garab siinta kooxaha mucaaradka ku ah dowladda maadaama lugaha lasii galinayo wakhtiyada Doorashada.