MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
105 days
22 hours
48 minutes
30 seconds
Reading Time: < 1 minute
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
105 days
22 hours
48 minutes
30 seconds

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha {Xarunta Howlgallada Degdegga ah ee Qaranka} ama National Emergency Operations center(NEOC)  oo ah xarun uu sanad kahor dhagax dhigay ra’isul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre.

Xaruntan oo loogu talogalay iney xarunta dhaxe unoqoto  isku xirta dhammaan adeegga degdeg ah ee hey’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa waxaa horay October 13, 2019-kii u dhagax dhigay ra’isul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre

Sanad kadib, maanta waxaa dhacday xaflad kale oo lagu furay isla xaruntii, laakin waxaa markan xariga ka jaray ra’isul waasaraha cusub Maxamed Rooble.

Lama oga sababta ay u dhacday in hal xarun labo jeer loo furo, labo ra’isul wasaare xariga ka jaraa, cidda ay tahay in lagula xisaabtamo, laakin waxaa xaqiiq ah in waqti iyo hanti la geliyey, lagana yaabo in jidad loo xiray.