[Akhriso] War-Murtiyeedka Shirweynaha Wadatashiga Qaran ee la Dagaallanka & Ciribtirka Fikirka Khawaarijta

Reading Time: 2 minutes

Shirweyne Wadatashi ah oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Awqaafta XFS, ayna kasoo qeybgaleen Wasaaradaha Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Gobolka Banaadir iyo Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed, socdeyna Muddo Shan Beri ah intii u dhaxeysey 24-29/10/2022.

Shirweynaha oo lagu lafa-gurey hannaanka ugu wanaagsan ee laysaga kaashan karo ka hortagga & cirib-tirka fekerka Khawaarijta ee ragaadiyay ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed ayaa dood & aragti wadaag dheer ka dib waxaa la isla qaatey Qodobadan soo socda.

1. In la dar-dardargeliyo, lana taageero la dagaallanka Khawaarijta casrigan oo la magac baxay Alshabaab iyo Daacish.

2. In ay xaaraan tahay dhaqaale kasta oo la siiyo Khawaarijta, maxaa yeelay (Qarash-bixiyaha & Qarax-waduhu waa isku Danbi)

3. In Kooxahan sharwadiyaasha ah loogu yeero magaca “Khawaarij” Maanta wixii ka danbeeya, iyadoo loo cuskanayo Fatwoowinkii ay kasoo saareen Culimaa’uddiinka Soomaaliyeed shirweynayaashii 2013 iyo 2019 Muqdisho.

4. In laga hortago wax kasta oo ka hor imaanaaya Shareecada Islaamka iyo Dhaqankeena suubban sida Fisqiga, Anshax xumada, Maandooriyaha noocyadiisa kala duwan iyo sida qaldan ee loo isticmaalo Baraha Bulshada.

5. In la taageero, loona sameeyo qorshe iyo siyaasad qaran oo lagu tayeynayo, laguna horumarinayo dhammaan Xarumaha lagu barto Diinta Islaamka.

6. In la dhiso Sanduuqa Zakada iyo Hay’adda Awqaafta Qaranka Soomaaliyeed.

7. in la qabto shirweyne Qaran oo ay ka soo qayb galaan Culamaa’uddiinka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dal iyo Dibid si looga tashado arrimaha taagan gaar ahaan ka ilaalinta diinta Islaamka afkaarta qalloocan.

8. In Muddo kooban gudaheed lagu dhammeystiro xeerarka, lana marsiiyo habraacyada lagama maarmaanka u ah dhismaha Golaha sare ee Culimada Soomaaliyeed oo ay u dhan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Dowladaha Xubnaha ka ah, kaasoo noqonaaya Marjica Diiniga ah ee Rasmiga ah ee Dalku yeelanayo, looguna laabanayo Fatwooyinka Sharciga ah iyo Arrimaha hadba soo kordha oo loo yaqaanno Nawaazisha.

9. In Arrimaha Xajka si wadajir ah ay uga wada shaqeeyaan Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS iyo Wasaaradaha Arrimaha Diinta Xubnaha ka ah Dowladda federaalka Soomaaliya.

10. Shirweynuhu wuxuu bogaadinayaa Kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Khawaarijta.

11. Ugu danbeyn, shirka wuxuu ugu baaqayaa dhammaan Shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ee ka been sheegay diinta Islaamka, banneystayna dhiiggooda, maalkooda iyo sharaftooda xurmada leh.