(Akhriso) Tacsidii Farmaajo iyo falcelintii shacabka (Madaxweyne Farmaajo fadlan IS CASIL)

Reading Time: 2 minutes

MW Farmaajo aya bartiisa facebook waxaa uu soo dhigay tacsi uu uga tacsiyadeeynayo shacabkii iyo masuuliyiintii maanta lagu dilay shan (5) qarax oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Kooxda shabab ayaa qaraxyo isdaba joog ah ka sameeya magaalada Muqdisho iyadoo aay shacabkii dareemayaan in amnigii magaalada Muqdisho faraha uu ka sii baxay.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka falceliyay si caro aay ka muuqato tacsida uu baraha bulshada soo dhiga MW Farmaajo waxaana shacabka intooda badan aay u direen MW Farmaajo codsi ah in uu IS CASILO maadaama uu ku fashilmay sugidda amniga, waxaa qaar kale oo badan aay ka codsadeen in uu deg deg xilka uga qaado RW Kheyre iyo Taliyaasha ciidamada iyagoo soo magac qaaday mulkiilaha Madaxtooyada ee ku magacaaban T/X Nabad Sugidda Qaranka Fahad Yaasiin.

Farriimaha aay shacabka uga fal celiyeen MW Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah.

“Qaain wadan Umada Ka Hor wareeg mar un Madaxweyne Waa laku dhehee. maalin kasta Tacsi uma baahnin. Ciidankii Qaranka Hortaagnaa Argagixisada shabaab. Ayaa mushaar laAan dhiktay Maxee tarin Tacsida waagii laku Doortay. ilaa hada Soomaali Gaar ahaan RerMuqdisho Boqolaal kun Ayaa ka dhimatay Adi Farmaajo ah Ayaa ka masuul ah waxaa lamid tahay Argagixisada shabaab . Qaain wadan Dalkiisa iyo shacabkiisa Qiyaamay ayaa tahay.”

Mid kale ayaa u qoray farriintan?

” Hada alle iyo rasuul taqaanaa umada ka hor wareega wajigiina ha gubtee Waxaad isku darsateen tala xumo iyo wax qabad xumo 2sano oo halaag baan ku soo jirnay 2snoo kale oo halaag ah dulqaad uma heeno umada ka hor leexda”

Halka hoose ka akhriso qoraalada aay shacabka u direen MW Farmaajo