(Akhriso) Shuruudaha Farmaajo in uu aqbalo Xil ka qaadista Fahad

Reading Time: < 1 minute

Shirar Maanta ka socday Madaxtooyo oo loogu kala dabqaadayay Farmaajo & Rooble ayaa Farmaajo wuxuu shardi ka dhigay si uu u aqbalo xil kqqaadista Fahad

1. In uu Ra’salwasaaruhu aqbalo in gudiga Amniga Qaranka la fariisyo ka dibna Fahad warbixin Gudiga uu Farmaajo shir gudoominaayo ka hor jeediyo halkaasna lagu beri yeelo, marki la beri yeelana asna uu aqbalo in uu xilka wareejiyo aqbalana in lafa qaaday shaqada.

2. In Cali guudlaawe uu ku soo daro Fahad liisa senatarada uu soo saarayo si Fahad u helo senatarnimo uu ugu badbaado, pullet proofna uga noqota in loo maxkamadeeyo kiiska Ikraan Tahliil oo uu hada ka yahay Fahad eedaysanaha 1aad.

Hadaba Hadii Ra’isalwasaaruhu aqblo qodobka 1aad waa dhimayay siyaasad ahaan iyo shakhsiyad ahaanba, farmaajana waxaa u xalaalowday in uu Aminga qaranka iyo kan doorashada asigu hogaamiyo,fahadna waa ka baxsayay qoolki ikraan tahliil wuxuuna isla qoolki qoorta u geliyay Ra’isalwasaaraha oo aqbalay beri yeelida Fahad.

Hadii cali Guudlaawe aqbalo in uu Fahad kusoo daro liiska Senatarada, Cali guudlaawe wuxuu noqonaya nin laheysta u ah Fahad, reer Hirshabeelana kuma aamini doonaan doorasho waxaana bilaaban doona buuq ka dhan ah oo keena in kursiga looga tuuro, sidoo kale wuxuu qeyb ka noqonayaa kuwa cadaalada hor istaagsan oo ay dacweyn doonaa ahalka Ikraan Tahliil iyo inta u doodeysaba, waxaana ku adkaan doonta Cali guudlaawe in uu aduukna u safro maadaama dacwad loo heysto danbilana ku hoos jiro oo uu Dalad u noqday.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!