(Akhriso) Shirkii Madasha oo dhammaaday & War murtiyeed ka soo baxay

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 4aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas o lagu gabtay Muqdisho 25-28 December 2022. Shirka waxaa ka soo gaybgalay Ra’isul Wasaaraha XJFS Mudane Xamza Cabdi Barre, Ra’isul Wasaare K/xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Sacid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorgoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) i o Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
ahna d u g Muqdishu Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kulankooda uga doodey ajandeyaashii lagu balansanaa ee Astavnta Awoodaha ee heerarka dowladda ivo Hannaanka. Federaaleynta Garsoorka. Sidoo kale, Golaha ayaa iska wareystay xaaladda amni ee dalka, geedi-socodka dimugraadiyadeynta iyo saameynta abaaraha.