(Akhriso) Sharciga doorashooyinka maanta la ansixiyay & Farmaajo uu oo 2 sano muddo kororsi fudud ah sameystay

Reading Time: < 1 minute

Qodobada ku qoran nuqulka loo qeeybiyay Xildhibaanada, wuxuu tibaaxayaa in xildhibaanada 10-aad ee Baarlamaanka ay xilka sii heyn doonaan inta laga dhaarinayo xildhibaanada cusub ee 11-aad. Lama muddeyn inta aay xilka sii hayn karaan & taariikhda aay bilaabaneyso doorashada taasoo ka dhigeysa in Farmaajo & Baarlabaanka aay si fudud ku helaan muddo kororsi ka badan laba (2) sano sida ku cad sharciga Doorashooyinka ee maanta la ansixiyay

Si kastaba isha ayaa lagu heyn doonaa natiijada kasoo baxda, waxaana rajo badan aan laga qabin in aay shuruud ka dhigaan in la muddeeyo doorashada Madasha Xisbiyada Qaran & dhammaan saamileyda siyaasadeed ee dalka.

Arrintan ayaa dhabar ku noqoneysa shacabka Soomaaliyeed ee uu afartii sano ee la soo dhaafay uu caburinta ku hayay Farmaajo, waxaana suurta gal ah in aay shacabka bilaabaan kacdoon & mudaaharaadyo ka dhan ah muddo kororsiga uu sameystay Farmaajo.

Halkan ka akhriso sharciga doorashada dadban (RIIX)