(Akhriso) Safaaradda Mareykanka oo ugu baaqday DF in ay la heshiiso DG & Mucaaradka

Reading Time: < 1 minute

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday dib u heshiisiin dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada, iyadoo ku boorisay dowladda Federaalka, dhammaan 5 Madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Baarlamaanka, iyo saamileyda siyaasadda Soomaaliya in aay iska kaashadaan sugida amniga iyo in la xaqiijiyo doorasho lagu kalsoonaan karo in dalka ka dhacdo sanadka 2020/21.

Qoraalka aya imanayo kaddib markii Safiirka Mareykanka lagu eedeeyay in uu taageeray doorashadii ugu musuqmaasuq badneeyd ee ay dowladda Federaalka ah Madaxweyne ugu dhigtay Axmed Qoor Qoor.

Madasha Xisbiyada aya ku eedeeyay Donald Yamamoto in aanu dhex dhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya.

Donald Yamamota, danjiraha Mareykanka, oo aqoonsaday coddeynta, ayay ku sifeeyeen “safiir taageeray nidaam doorasho oo la khiyaanay oo si cad loo musuqmaasuq layska indha tiray hab lawada ogol yahay”.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!