[Akhriso] Safaaradda Mareykanka oo digniin dahsoon u dirtay maamulka Farmaajo

Reading Time: 2 minutes

Dowladda Mareykanka ayaa warqad aay u dirtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ku wargelisay in cunaq qabateyn la saaray Dowladda Eriteriya iyo masuul ka tirsan Eriteriya.

Ujeedka la socodsiinta Mareykanka ayaa lagu sheegay in aay tahay in Muqdisho aay ka feejignaato xiriirka ay la leedahay Eriteriya maadaama saraakiil ka tirsan ciidanka Eriteriya aay ka howlgalaan Villa Somalia sida aay MOL u ogaatay.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale sheegtay haddii aanan xal loo helin dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya aay cunaqabateyn hor leh saari doonto Madaxda Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa lagu wadaa in uu maalinta Berri ah uu booqdo dalka Kenya, waxaana Magaalada Addis Ababa booqasho aan la shaacin shalay ku tegay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kahore inta aanu la kulmin Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Waxaa sidoo kale aay maamulka Washington ku guuleysatay in uu dhaco shir looga arrinsanayay xaaladda Itoobiya oo lagu waday in uu ka dhaco magaalada Kampala ee dalka Uganda todobaadkan.