Wasiirada arrimaha dibadda Soomaaliya iyo Kenya aya shir albaabada u xiran yahay ku yeeshay magaalada Nairobi bishii April 12, 2019. Shirka aya lagu lafaguray tabashada ay qabto Kenya, waxaana labada dal ay ku heshiiyeen qodobada soo socda.
1. In dowladda Soomaaliya ay dib u eegto ficilada shirkadda Spectrum ay ku soo bandhigtay London in aanay dowladda Somalia la qabin waxa ay soo bandhigtay shirkadda Spectrum isla markaana ay caddeyso mowqifkeeda.
2. In xiriirka labada wasiir uu ahaado mid furan oo marwalba ay iska war hayaan.
3. In labada danjire ee dalalka Somalia iyo Kenya la siiyo qoraal hagid si looga tashado arrimaha la xariira isfaham waaga jira.
4. Dowladda Soomaaliya ay siiso muhiimad gooni ah la dagaalanka kooxda Shabab isla markaana ay muujiso in uu dhab ka yahay dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah.
5. In Wasaaradda Arrimaha Dibadda & iskaashiga caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliya ay cusbooneysiin doonta balanqaadkeeda ku saabsan qodobada 1, 3 iyo 5 ee ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya.
Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa u sheegay dhiggiisa Kenya in aanu ka warqabin lagalana tashan shirkii shidaalka ee London iyo Koofur Afrika isla markaana raalli gelin ka bixiyay in lagu xadgudbay dowladda Kenya.
Halka hoose ka akhriso wadahadalkii labada wasiir oo ku qoran afka Ingiriiska