[AKHRISO] Qoraal mamnuucaya in laaluush loo adeegsado Doorashada oo laga saxiixayo Musharixiinta

Reading Time: < 1 minute

Guddiga Doorashada heer federaal ayaa soo saaray Warqad laga saxiixayo Musharixiinta u taagan Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay inta lagu guda jiro geedi-socodka doorashada in murashax kasta oo u tartamaya kursiga Baarlamaanka Aqalka Sare ay tahay inuu ilaaliyo, dhowrana dhammaaan heshiisyada, habraacyada, xeerarka iyo shuruucda doorashada 2020/2021, si loo helo jawi fududaynaya in ay u qabsoomaan doorashooyinka 2020/2021 si xor ah oo xalaal ah oo caddaalad ku salaysan.

Dhammaan murashaxiintu waa inay u hogaansamaan qodobada hoos ku xusan iyagoo adeegsanaya niyad-wanaag.

  1. Waxaan u hogaansamayaa Dastuurka Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan heshiisyada, xeerarka, habraacyada loo dejiyay qabashada geedi-socodka doorashada 2020/2021, waxaana si buuxda ugu hogaansamayaa una fulinayaa dhammaan habraacydaas iyo xeerarkaas.
  2. Waxaan qof kasta ula dhaqmayaa si ixtiraam iyo qadarin ku dheehan tahay oo aan lahayn kala faquuq, anigoon u eegeynin jinsiga, da’da, naafanimada, asalka bulsho ama xaaladda shakhsi.
  3. Waxaan ka fogaanayaa inaan culays saaro xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka ee codeynaya, wakiillada guddiyada doorashada, hawl-wadeenada, murashaxiinta kale, warbaahinta iyo goob-joogayaasha kale.
  4. Waxaan ilaalinayaa xeerarka iyo shuruucda ay soo saaraan hay’adaha hirgelinaya doorshada, oo uu ka mid yahay Guddiga Xallinta Khilaafaadka.
  5. Waxaan ka fogaanayaa inaan qayb ka noqdo dhaqan kasta oo keeni kara cabsi-gelin, cadaadis ama musuqmaasuq inta lagu guda jiro geedi-socodka doorasho ee 2020/2021, waxaana gacan ka geysan doonaa sidii looga hortagi lahaa ama loo joojin lahaa dhaqamada noocaas ah.
  6. Waxaan ka fogaanayaa in aan ku lug yeesho laaluush ama iibsasho cod.
  7. Waxaan ixtiraamayaa in dhammaan kormeerayaasha la aqoonsanyahay, warbaahinta/xubnaha saxaafadda iyo weliba wakiilada murashaxiinta ay si xor ah ku gaaraan lana socdaan/kormeeraan geedi- socodka, sida ku cad shuruucda, tilmaamaha iyo habraacyada.
  8. Waxaan ixtiraamayaa qarsoodinimada cod-bixinta iyo dhex-dhexaadnimada hanaanka cod-bixinta iyo cod- tirinta. Waana fahamsanahay in wakiiladayda ay xaq u leeyihiin la socodka nidaamka, si waafaqsan habraacyada doorashada 2020/2021.