[Akhriso] Qodobada la yaabka leh ee uu Farmaajo kusoo Kordhiyey Dowladnimada Soomaaliya

Reading Time: 5 minutes

Si lama filaan ah ayaa loogu doortay Madaxweynaha Soomaaliya 7-dii Febraayo 2017, kadib markii ay saaciday dabeyl siyaasadeed oo isbedel-doon ah, waxayna dadku kusoo dhoweeyeen bannaanbaxyo waaweyn, iyadoo rajo badan laga qabay inuu wax ka bedeli karo xaaladda uu dalka ku sugnaa.

Afar sano oo sharciyad uu heystay iyo ku dhowaad lix bilood oo uu Xafiiska ku sugnaa kadib, Maxamed C/llaahi Farmaajo ballanqaadyadiisii waaweynaa ee uu doorashada ku galay oo aanu waxba ka fulin marka dhinac la iska dhigo, wuxuu dowladnimada Soomaaliya ee xaaladda adag mareysa kusoo kordhiyey dhaqamo siyaasadeed iyo kuwa hoggaamineed cusub oo qaarkood ugub yihiin dalka, wuxuuna la soo baxay faham u Gaara oo dalka uu ku hoggaamiyo:

Tobanka dhaqan siyaasadeed ee Farmaajo uu soo kordhiyey waxay kala yihiin:

Dowladnimada Soomaalida ee ee dib loo dhisayo una baahan dib u heshiisiinta wuxu Farmaajo Doorashada ku galay inuu noqonayo ‘NABAD-DOON’, balse taas bedelkeed wuxuu dowladnimada kusoo kordhiyay inuu awood u adeegsado Mucaaradka iyo maamul Goboleedyada aan rabitaankiisa ku shaqeyn.

Dhacdooyinka soo Socda waxay caddeyn u yihiin inuu Maxamed Farmaajo qaatay dariiq ka duwan kii uu xukunka ku yimid ee dimoqraadiga ahaa, isagoo doortay inuu awood u adeegsado mucaaradka siyaasiyiinta ah oo qaarkood ay siyaasadda soo geliyeen, xilkana ku wareejiyeen:

Waxaan soo qaadan karnaa:

  • Weerarkii Guriga lagu dilay lix ka mid ah Ciidanka XDS, Disembar 2017.
  •  Bannaanbaxayaashii taageerayaasha u ahaa Musharax Sheekh Mukhtaar Roobow ee lagu dilay Magaalada Baydhaba Disembar 2018.
  • Dagaalkii lagu qaaday Ahlu-sunnadii Gobollada Dhexe iyo Awood ku maquunintii loo adeegsaday ee magaalada Dhuusamareeb intii lagu Jiray doorashadii Galmudug – Febraayo 2020.
  • Isku daygii awood ku maquuninta maamulka Jubbaland iyo Axmed Madoobe iyo Xayiraadii Cirka ee La saaray maamulkaasi Ogost 2019.
  • Weerarkii Hotelkii ay ku jireen Madaxweynayaashii hore Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh 19 Febraayo 2021.
  • Weerarkii bannanbaxayaashii ay hoggaaminayeen siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo C/raxmaan C/shakuur oo lagu rasaaseeyay inta u dhaxeysa Isgoyska KM 4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
  • Wuxuu 25 April 2021 weerar toos ah ku qaaday Xarun uu degay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh, agagaarka Isgoyska Mariinada, oo ciidamo u soo gurmaday ay badbaadiyeen.
  • Waxay Muqdisho ku sigatay dagaal sokeeye markii ay qarxeen iska hor imaadyo hubeysan muddo kororsigii uu ku dhaqaaqay Farmaajo 12 April 2021.

2 – WADANIYAD (Keligii Wadani)

Madaxweynaha la doortay Febraayo 2017, wuxuu la gaar ahaa oo ololihiisii Doorashada ku galay ‘WADANIYAD’ iyo naceybka Itoobiya, wuxuuna ku dooday inuu soo celinayo ‘QABKII’ Soomaalinimo.

Mar wuxuu Farmaajo meel fagaare ah ka sheegay in isaga ka hor aysan Waddaniyad laga hadli karin ama aanay jirin, isaguna uu soo nooleeyay, waxaana intii uu xilka hayey caado u noqotay inuu si toos u eedeeyo siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo kuwii ka horeeyay inay u adeegaan dano shisheeye, kuna xiran yihiin dalal Dibadda ah. Dooda Wadaniyadda Madaxweyne Farmaajo iyo taageerayaashiisa waa meesha ka saartay tallaabadii fadeexadda dhalisay ee Dhiibistii sarkaalkii ka tirsanaa Jabhadda ONLF C/kariin Qalbi-Dhagax.

3- Adeegsiga Baraha Bulshada

Farmaajo  wuxuu noqday madaxweynihii ugu weynaa ee ku dagaal gala Baraha bulshada, intii uu xukunka hayey wuxuu siyaasadda soo geliyey dad shacab ah iyo Qurbejoog taageerta, wuxuuna dhaqaale badan ku bixiyey Dad baraha bulshada ka difaaca shaqsi ahaan, dhinaca kalena dacaayado iyo ijaafeyn shaqsi ah u geysta Siyaasiyiinta ka horjeeda ama tartanka kula jira.

Waxaa mar kaliya Baraha Bulshada qabsaday kooxo markii danbe loo bixiyey ‘Cayayaanka Baraha Bulshada -CBB’, kuwaasoo ku caan baxay inay ku xiran yihiin Madaxtooyada Soomaaliya.

4- Burburinta Hay’adda Sirdoonka NISA

Arrimaha aan hore loo arag ee Farmaajo ku soo kordhiyay dowladnimada waxaa ka mida inuu Hay’adii Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA ka dhigay Hay’ad isaga u shaqeysa, hoggaankeedana u wada dhiibay saaxiibkiis iyo xubno qaraabo La ah.

NISA waxay noqotay awoodda uu Farmaajo u adeegsado Mucaaradka, maamul Goboleedyada iyo dhammaan danihiisa siyaasadeed, waxaana markii ugu horeysay ay noqotay mid aan lahayn agaasime ku xigeenadii ay lahaayeen jirtay, kaliya waxaa maamula Fahad Yaasiin, waxaana ka dhex muuqday C/llaahi Kulane oo ay madaxweynaha qaraabo yihiinn oo dhowan uun xilka laga qaaday.

5- Siyaasad Aargoosi ku dhisan

Intii uu xilka hayey wuxuu Farmaajo qaaday tallaabooyin aan hore loo arag oo ku dhisan ka aargoosiga saraakiisha iyo madaxda ay isku dhacaan ama khilaafka dhex maro.

Xil-ka-qaadis kuma ekaan ee wuxuu Maxamed Farmaajo garaadayaashii ka rifay Laba Jeneraal oo uu ka aargoostay markii ay ka hor yimaadeen, waxayna kala yihiin:

1- Agaasime ku xigeenki Hay’adda Jen. Cabdalla Cabdalle

2- iyo Taliyihii Booliska Goboka Banaadir Jen.Saadaq Joon

Wuxuu Farmaajo abaabulay xil ka qaadistii Golaha Shacabka ee Ra’iisal wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, kadibna wuxuu u diiday inuu xilka wareejiyo, isagoo Ra’iisal wasaare ku xigeenkii ka dhigay Ra’iisal wasaare KMG ah, taasoo ka baxsaneyd Dastuurka.

Wuxuu ku qasbay inuu xilka ka dego Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa madaxweynihii K/Galbeed

Wuxuu weerarro toos ah iyo cadaadisyo safar saaray Madaxweynihii isaga magacaabay Sheekh Shariif iyo Madaxweynihii xilka ku wareejiyey ee Xasan Sheekh.

6- Madaxweyna Af-Daboolan

Dhaqamada ku cusub dowladnimada iyo hogaanka ugu sareeya dalka, waxaa ka mida in Madaxweyne Farmaajo ay caado u noqotay intii uu xilka hayey inuu ka aamuso xaaladaha adag ee dalka iyo marka shacabku ugu baahi badan yihiin inuu hoggaanka go’aan ka qaato xaalad taagan ama caddeeyo arrin Qaran oo mugdi ku jirta.

Aamusnaanta iyo ka hadal la’aanta xaaladaha adag ee dalka iyo dhacdooyinka waaweyn waxay Farmaajo ka dhigeen inuu ka baxsado mas’uuliyadii ka saarneyd dalka iyo dadka uu hoggaanka u ahaa.

Farmaajo wuxuu col la ahaa warbaahinta, wuxuuna diiday inuu wareysi bixiyo toos ah bixiyo, inta jeer ee La wareystayna waxay ahaayeen kuwo lasii qorsheeyay oo La faaf-reebay, waxaana la siinayey warbaahin gaar ah.

7- Siyaasiyiin iyo Culimo taageera oo Mushaari ah

Qodob ka mida kuwa uu ku caan baxay Maxamed Farmaajo intii uu xilka hayey wuxuu ahaa inuu sameystay siyaasiyiin caan ah oo Warbaahinta ka difaaca, weerarka ku qaada madaxda mucaaradka ee siyaasadiisa ka horjeeda.

Xubnihii ugu cadcadaa ee Madaxweyne Farmaajo difaaca ka dhigtay, una hadli jiray, waxaa ka mida siyaasiyiin caan ah oo xilal kala duwan soo qabtay, waxaa sidoo kale ku jira Qurbe-joog iyo Mashaa’ikh culimo ah oo si aan ganbasho lahayn Farmaajo ku tilmaama MAHDI SOO DAAHIRAY.

8- Siyaasad Arrimo Dibadeed Dhinac u Janjeerta 

Farmaajo wuxuu siyaasadda Arrimaha Dibadda la aaday jiho aan hore loo tijaabin, isagoo markii uu talada qabtay ku dhex dhacay khilaafkii dalalka Khaliijka, wuxuuna qaatay siyaasad dhexdhexaad lagu sheegay balse si cad ugu janjeertay dalka yar ee Qatar.

Soomaaliya waxay isku xumaadeen dalalka Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxayna xiriirka u jartay Kenya, waxaa kaloo markii ugu horeysay Farmaajo uu qaatay siyaasad ka dhan ah dalka Jabuuti.

Farmaajo wuxuu taariikhda ku galay inuu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaali ah ee ay Jabuuti isku xumaadaan, isagoo La saaxiibay caddowgeeda Eritrea, si cadna u cambaareeyay Dowladda Jabuuti.

Waxaa fadeexad diblomaasiyadeed lagu tilmaamay safarkii uu Farmaajo la galay Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed, iyadoo Diyaarad la saartay, kadibna laga dejiyey magaaalada Nairobi, taasoo ahayd arrin aan hore u dhicin.

9- Musuqmaasuq La-dirir aan xaqiiqo ahayn

Haddii waxqabad weyn aan Farmaajo uga dhigi lahayn in Musuqmaasuqa la dagaalamay ama shaqsi ahaan nadiif ka ah, waxaan wajaheynaa xaqiiqooyinka soo socda:

Laaluuskhii Labada Aqal ee Baarlamaanka loo qeybiyey, kadib markii la riday, is-casilaadna lagu qasbay Guddoomiyihii Baarlamaanka Prof. Maxamed Sh. Cusmaan (Jawaari) –  oo mid kasta la siiyey $5000

Lacagtii loo qeybiyey xildhibaannada Baarlamaanka K/Galbeed ee Muqdisho loo keenay si loo laaluusho, kadibna codka looga iibsaday u inay oortaan musharixii ay wadatay Madaxtooyada ee hadda ka taliya.

Xisaab-xir la’aanta Miisaaniyadda dowladda oo dhacday muddo 3 sano ah oo ka mida intii ay xilka heystay dowladii Farmaajo Madaxweynaha ka ahaa , taasoo ah fashil weyn oo aan qiil loo heli karin

Sidii loo maamulay Doorashooyinkii maamul Goboleedyada Galmudug awood iyo dhaqaale la isugu daray iyo Hirshabeelle oo keentay khilaaf siyaasadeed weli taagan.

Ku-takri falka awoodda oo ay qeyb ka tahay naas-nuujinta saaxiibada iyo u magacabidda xilal waaweyn oo aanay qaadi karin

10- Dastuur jebin

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku dhiiraday inuu iska dhega tiro dastuurka uu ku dhaartay, qodobbo ka mid ahna uu ka boodo ama jebiyo, wuxuuna ku dhaqaaqay:

1- Inuu Mesha ka Saaro kaalintii Aqalka Sare ee Baarlamaanka, khilaaf kala dhaxeeya Guddoomiyaha Aqalkaasi dartiis.

3- Inuu diyaariyey Sharci Doorasho oo ka horjeeda Dastuurka KMG ah, oo caddeynaya in nidaamka dowladda uu yahay Baarlamaani.

2- Wuxuu Saxiixay sharciyo aan soo marin Aqalka Sare

3- Wuxuu bedelay dhaqan siyaasadeed soo jireen ah oo ku saabsan in Ra’iisal wasaaraha dalka lagu magacaabo muddo Bil gudaheed ah, wuxuuna Xukuumadda Federaalka muddo xasaasi ah ka dhigay Ra’iisal wasaare la’aan muddo ku dhow 2 bilood.

4- Wuxuu ku dhiiraday inuu ku shaqeeyo xukuumad xilgaarsiin ah oo sharciyo waaweyn iyo magacaabid muhiim ah marsiiyo.

5- Heshiisyo madaxweynaha gaar ahaa oo uu La galay dalalka (Itoobiya/ Eritea..) oo aan Baarlamaan la keenin)

6- Wuxuu ku dhaqaaqay Muddo kororsi kasoo horjeeda Dastuurka, kaasoo keenay in qarka tago dagaallo sokeeye, kadib iska hor imaadyo ka dhacay caasimadda Muqdisho.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!