Odayaasha dhaqanka beelaha Hayiye ayaa soo saaray baaq ay ku muujiyeen walaaca aay ka qabaan xaaladda sii cakirmeysa ee Siyaasadda & Amniga dalka, waxayna sheegeen in shacabka ku nool magaalada Muqdisho lagu hayo hagardaamooyin joogta ah tan iyo markii uu xilka la wareegay Madaxweyne Farmaajo.
Baaqa aay soo saareen odayaasha oo u eg mid aay kaga digayaan in dowladda hadda jirta aay dalka u horseeddo dagaal sokeeye, waxayna ku taliyeen in dowladda aay joojiso faragelinta aay ku hayso arrimaha doorashooyinka dalka.
Halka Hoose ka akhriso Bayaanka Odayaasha
Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye waxa ay walaac wayn ka qabaan xaalada guud ee Dalka, sida; Siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha iyo Arimaha Bulshada, xaalada dalka oo mareeysa xili kala guur ah, muda xileedka doowladda hada jirtana uu dhamaad yahay ayaa waxaa noo muuqata hagardaamooyin lagu hayo bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada caasimadda Muqdisho oo dhibaato gaar ah lagu hayo mudadii ay jirtay dowladaan, waxaana dhibaato wayn ka soo gaartay Naftooda iyo Maalkooda.
Hadaba waxaan halkaan ku soo gudbinaynaa qodobada aan walacaa ka qabno.
- Waxaan walaac ka qabnaa habka doowladdu u wajaheeyso arimaha doorashada dalka 2020/21, iyadoo Gudiyada Doorashada laga buuxiyay dad aan dhex dhexaad u aheeyn dhinacyada Siyaasadda, ee u tartamaya hogaanka dalka, waxaan cabsi iyo walaac ka qabnaa in dalku galo qalalaalse Amni hadii aan wax laga badalin habka loo dhigay Gudiyada Doorashooyinka.
- Waxaan welwel ka qabnaa ciidamo laga keenay Dalka Ereteriya (Eritrea), iyo qaar kamid ah Ciidamada Soomaaliya, kuwaas oo Madaxweeyanaha iyo Taliyaha Nabad Sugidda ay doonayaan in ay ku fushadaan dano la xiriira doorashadada, taas oo ka soo horjeeda mustaqbalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxa ayna sababi kartaa in amniga Dalka uu faraha ka baxo, waxaana ka digaynaa in arintaas marna ay dhacdo.
- Waxaan ka digeeynaa Ciidamada lagu daabulayo Doowlada Gobaleeyada Dalka, arintaas waxa ay keeni karaa in dadka soomaaliyeed aaminaadooda doowladnimadu fogaato, burburka dalkuna soo kaban waayo.
- Waxaa sidoo kale ka digayaan daan-daansiga qabiileeysan ee Madaxweeynaha Soomaaliya, kula dhaqmayo Bulshada Hawiye, sida in saraakiisha Beelaha Hawiye ee ciidanka ku jira shaqada laga ceeyriyo, kuwa kasoo jeeda qabiilka Madaxwayne Farmaajana lagu badalo taas oo aan u aragno beegsi lagu hayo Beesha Hawiye, waxaan ka digeeynaa in gabi ahaanba la joojiyo arintaas.
- Waxaan u sheegeeynaa in Madaxweeyne Farmaajo ka digtoonaado in uu afduubto doorashada, loona sinaan waayo hanaanka doorasha dalka, uuna ogaado Madaxweeyne Farmaajo in Soomaaliya waxa kaliya ay heeysatay in ay tahay doorasho la isla ogolyahay oo 4-tii sano mar dhacda. Hadii Madaxweeynaha Soomaaliya afduubto doorashada dalka waxaan ka digeeynaa in dalku ku laabto 1991.
- Waxaan sidoo kale la soconaa in hubkii loogu talagalay in lagu xoreeyo Degmooyinka Galmudug, loo weeciyay dhanka Gobalka Gedo, taasi waxa ay dhaawacaysa danta Qaranka.
- Waxaan ka deeyrinayaan xaalada amni & mida bulsho ee Magaalda Muqdisho iyo dadka ku nool oo muddo sadax sano iyo bar jidadka ka xiranyihiin, kuna qabaan dhibaato wayn ee dhanka isku socodka wadooyinka, taa oo keentay burbur dhaqaale iyo mid amni oo ku dhacay reer Muqdishu, waxaana u aragna in arrintani inay tahay beegsi lagu cuuryaaminayo bulshada Caasimadda, mana ahan wax loo dul qaado karo sii socoshada culeeyskaa.
- Waxaan ka digeeynaa in la fujiyo tabeelashaayasha Musharixiinta Hawiye, taas oo ah beegsi cad oo lagula kacay Musharixiinta Beesha Hawiye.
- Waxaan talo ku soo jeedineeynaa in xaquuqda Gobalka Banaadir banaanka la soo dhigo, sida 13-kii Senator, iyo Maqaamka Caasimada.
- Waxaan na soo gaartay in gacma gacmeeyn lagu hayo soo xulidda Xubnaha Gudiga Doorashada Somaliland, lana xurmeeyn in si wadar –ogol ah usoo xushaan Gudiyadooda iyadoo Doowladda Soomaalia ay hor istaagtay, diidayna Xubnihi Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdillahi soo gudbiyay, waxa ayna abuurtay qalqal Siyaasadeed oo saameeyn ku yeelan kara Gobalka Banaadir iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaan tala ku soo jeedineeynaa in Gudiga Doorashooyinka Gobalada Waqooyi, wadar-ogol laga dhigo si loo ilaaliyo Midnimada Dalka.