[ Akhriso ] Nuxurka Khudbadda Madaxweyne XSH ee furitaanka Kal-fadhiga Labaad ee Baarlamaanka

Reading Time: 5 minutes

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta furay kal-fadhigii labaad ee baarlamaanka 11-aad.

Xasan Sheekh ayaa furitaanka kal-fadhiga waxa uu ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanayso.

Hoos ka akhriso Khudbadda Madaxweynaha ee furitaanka Kal-fadhiga Labaad ee baarlamaanka 11-aad.

KHUDBADDA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

GUDDOONKA LABADA AQAL EE BARLAMAANKA JFS

XILDHIBAANADA BARLAMAANKA JFS

MARTI SHARAFTA KALE

MUDNEYAAL IYO MARWOOYIN,

Waxane dhammaantiin idinku salaamayaa salaanta Islaamka ASCWRWB:

Isla markii to xilka la wareegay waxaan la kowsaday laba xaaladood oo kala daran: Abaaro saameeyay in ka badan 7 Milyan oo qof, iyo KHAWAARIJTA oo sii kordhiyay culayska ay ku hayeen shaca Waxa to qaaday tallaabooyin to you arkayay inay lagama-maarmaan u yihiin u goggol-xaarista hannaan wax looga qaban karo dhibaatooyinka shacabka Soomaaliyeed ragaadiyay, maaddaama

Annaga oo ka duuleyna yoolkaas baaxadda leh, sida ku cad Barnaamijka Xukuumadda, Dowladdeena waxay xoogga isugu geyneysaa hiigsiyada soo socda:

• Soomaaliya Sharcigu Ka Sarreeyo.

• Soomaali Heshiis Ah.

• Soomaali Dunida Heshiis La Ah.

• Soomaaliya Isku Filan.

• Soomaaliya Cagaaran.

• Dhisida hay’ado Tayo Leh oo Bixin Kara Adeeg Hufan.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Waxaan boggaadinayaa howlahii uu soo qabtay Barlamaanka kalfadhigii hore, oo ay ugu horreyso doorashooyinkii, guddoonka, madaxweynaha iyo kalsooni siinta ra’isulwasaaraha iyo xukuumadda. Sidoo bald inaad dhisteen guddiyadii joogtada ahaa iyo xubnahii idinku matali lahaa barlamaanada caalamka.

Waxaan sidoo bald, bogaadinayaa xubnaha golayaashan ee u guntaday inay garab istaagacia ciidamada qalabka sida iyo shacabka soomaaliyeed ee u istaagay inay iska xoreeyaan khawaarij Waxaad shacabka Soomaaliyeed hormuud ugu noqoteen macnaha dhabta ah ee mataalaadda shacabka.

Maanta Dalkeena iyo dadkeennuba waxay ku sugan yihiin flour to ka noqosho laheyn, flour guuldarradu aanay angry uga bannaaneyn. Waxaan go’aansannay inaan u guntanno dagaalka dalka looga sifaynayo khawaarijta. Delusion soo waayay jid to ahayn in to difaacno karaamadeenna , islaanimadeena iyo qaranimadeena.

Dalka iyo dadku waxay inooga baahan yihiin xilgudasho dhammeytiran oo ah in to dhinac uga soo wadajeesano halka cadaw ee Soomaaliyada maanta; waa in to isku garabsiino shacab iyo dowladba sidii to Dalka oo dhan to uga xoreyn laheyn cadawagaas.

 

Dib-u-xoreynta Dalka oo dhan waa waddada kaliya ee to ku xaqiijin karno dal nabad ah oo uu sharcigu sareeyo; waxaad ogsoon tihiin in Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada kala duwan ay ku baaraarugeen dhagarta cadawga iyaga oo garowsaday in Al-shabaab iyo Daacish ay yihiin Khawaarij ka leg sheegaya diinteenna suuban kuna dhiirraday in ay iska dulqaadaan dulliga iyo heeryada KHAWAARIJTA ku soo gabatay diinteena. Abwan Soomaaliyeed ayaa horay u yiri:

• Nin dayoobay soo noqay markuu waagu daalaco e

• Dadweynahii la lumiyaa mar uun bay dowga helayane

Dowladdeydeena, iyada oo to muddo badan xafiiska joogin, waxay garatay in kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed uu kaalin mug leh ku leeyahay sidii Khawaarijta Dalka oo dhan looga xore Tusaale bilaw ah waxaa noogu filan dagaallada ka dhacay Gobollada Hiiraan, Shabeellaaha Dhexe, iyo Galgaduud.

Waxaan shaki ku jirin in maadaama to daily ku jirno cadawgana uu jab weyn gaaray ay beegsan doonaan shacabka to waxba galabsan, sida weerarkii 29 Oktoobar ay ku qaadeen zoobbe. Waxaan bogaadinayaa dadaalka ciidamada iyo shacabka oo u guntaday u gargaarida dadweynihii ku waxyeelobay. Waxaan Ilaahay SWT ka baryayaa inuu janadii Firdowza ka waraabiyo shuhudadaas geeriyooday.

Sugida Amniga iyo ciribtirka Khawaarijta ka sokoow, shacabka Soomaaliyeed waxa uu u baahanyahay Soomaaliya sharcigu sareeyo taas oo inaga rabta flourmarinta shuruuc la jaanqaadi karta xilligan aan ku jirno iyo duruufaha inoo gaarka ah. Iyada oo taas laga duulayo, waxaan Ra’iisul-wasaaraha iyo Xukuumaddiisa faray in ay ka howlgalaan soo gudbinta dhammaan shuruucda uu Dalku u baahanyahay.

Xildhibaanada Soomaaliyeedoow Walaalayaal,

Aniga oo maanka ku haya in la helo jawi siyaasadeed oo xasilloon kaasi oo saamaxaya in si wadajir ah looga shaqeeyo xal u helidda arrimaha masiiriga ah ee u baahan heshiisyada siyaasade

Waxaan booqasho ku tagay inta badan Dowlad Goboleedyada dalka, waxaan sidoo bare yeelanay saddex kulan Golaha Wadatashiga Qaranka oo aan ku lafo-gurnay xoojinta hannaanka wadashaqaynta heerarka kala duwan ee dowladda iyo isla meel-dhigidda qodobbada waaweyn ee ay tahay in xalkooda si mid ah looga shaqeeyo, sida dhammaystirka dastuurka dalka oo wakhti badan qabyatirkiisu soo jiitamayay, dhammaystirka hannaanka amniga qaranka si qa Somaliland iyada oo loo marayo wadahadal, isu-tanaasul iyo in-qancin; xoojinta iyo dhammaystirka nidaamka federalka; dhammaystirka iyo taabbagelinta hannaan garsoor oo madaxbannaan isla markaana hufan.

Maaddaama ay waajib tahay in dowladnimadeennu ay ka tarjunto baahiyaha shacabka loogu adeego, waxa to sidoo kale shirar kala duwan oo wadatashi ah la yeeshay qaybaha kala geddisan

Waxa to markii to xafiiska imid safarro dalka dibaddiisa ah ugu ambabaxay dalal kala duwan. Ujeedka safarradaas iyo booqashooyinkaasi waxa ay salka ku hayeen qorshaheenna ku aaddan in la helo siyaasad arrimo dibadeed oo ka duulaysa Soomaaliya deriskeeda iyo dunidaba heshiis la ah.

Waxaa safaradaas bait-aas u ahaa inaan madaxda dalalkaas ka wada-hadalno danaha aan wadaagno iyo qaabka ugu habboon ee ay uga qayb-qaadan karaan dib u soo kabashada qaranka Soomaaliyeed iyo kaalinta ay ka geysanayaan dagaalka aan kula jirno Khawaarijta ma-naxaanka ah ee caqabadda ku ah dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed kuwaasi oo bannaystay daadinta dhiiggooda, boobkaa hantidooda, kuna xadgudba sharaftooda.

Dhamman safarradaas waxa to kala soo laabannay guul, annaga oo madaxda dalalkaas isku raacnay inay by mosquito leh ka geystaan arrimaha hortabinta u leh dowladdeenna iyo dadaallada to ku baadi-go

Waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u xaqiijiyo in siyaasadda dowladdeenna ay laf-dhabar u noqon doonto in la soo dhaweeyo cid walba oo diyaar u ah inay naga taageerto arri Soomaaliya xilligan la joogo inta ay saaxiib u baahan tahay ayaa ka badan inta ay cadaw u baahan tahay.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida aad la wada socotaan dalkeennu waxa uu la tacaalayaa xaalad adag oo ka dhalatay jiilaalka iyo abaaraha daba-dheeraaday ee ragaadiyay nolosha dadkeenna ku tiirsan dhaqashada xo Saamaynta abaartaas ka dhalatayna ma saamayn keliya dadka balse waxa ay dhaawac u geysatay dhaqaalaha guud ee dalka maaddaama xoolaha iyo beeruhu yihiin laf-dhabarka dhaqaalaheenna.

Si abaartaas looga hortago, dalkana looga badbaadiyo macluul baahda oo gallaafata dadka, waxaan qaadnay Tilaabooyin isagu jira u qareemid uu hormuud u yahay Eragyaga Gaar ka ah ee abaaraha. Waxaan dhisnay Wasaaradda Deegaanka iyo Is-beddelka Cimilada taas oo durbaba ka howlgashay sidii loo gaari lahaa Soomaaliya Cagaaran oo deegaankeedu dhowrsan yahay lehna dhammaan siya

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Dowladnimo waxaa udub dhaxaad u ah dhismaha hay’ado ku dhisan sharci oo awoodi kara in ay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday. Hay’adaha noocaan ah waxay innooga baahan yihiin tayeyn joogto ah oo lagu horumarinayo xirfadaha dadka ka shaqeynaya hay’adaha dowladeena.

Nolosheena, guusheena iyo Qaranimadeena waxaa bait-aas u ah inaan ka shaqeyno Garsoor ku dhisan cadaalad. (وَإِذَا حَكَمـتُمَ بَيهنَ النَّاسِ أَنَ تَحـكَمُوا بِالَعَدَلِ). Dib-u-dhiska dowladnimadeenna waxay u baahan tahay garasho, wadatashi, kalsooni dhisid, iyo go’aanno ku yimaada cadaalad iyo garsoor loo simanyahay. Taasi oo sahlaysa inaan dejisanno xeerarka iyo shuruucda hagaya geeddi socodka dowladnimadeennaa.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Ugu dambeyntii, waxaan rabaa in to hoosta-ka-xarriiqo kaalinta Baarlamaanka Federaalka uu ku leeyahay hirgelinta dhammaan himilooyinka uu Qaranku hiigsanayo. Dhammaanteen waxaa nagu waajib ah in to ku shaqeyno dareen iskaashi iyo wada-shaqeyn innaga oo mudnaanta siineyna dejinta dhamman shuruucda loo baahan yahay iyo fulintooda.

Waxaan si xushmadi ku dheehan tahay idinkaga codsanayaa in aad kalfadhigan cusub fududeysaan intii suurtagal ah dhammaan shuruucda idinkaga imaan doonaa Xukuumadda, shuruucdaas oo hiig

Walaalayaal, waxaan heysannaa fursad qaali ah oo to Dalka iyo dadkaba ku samatabixin karno. Taariikhda ayaa xusi doonta kaalinta uu qof kasta uu ka qaato dadaalka iyo Halganka maanta socda ee dowladnimadeena u baahan tahay.

Xildhibaanada Soomaaliyedoow walaalayaal,

Gebogabada halganka maanta socda wuxuu dhali doonaa abayaasha Soomaaliyada cusub iyo geesiyaal ay tariikhda xusi doonta. Sidaas daradeed, hogaamiyeyaasha maanta waa inagee, yaanen fursadan ina seegin.

Haddaba, aniga oo gudanaya waajibkeyga dastuuriga ah sida ku cad Qod.90aad (g) ee Dastuurkeena, waxaan ku soo gebagebaynayaa hadal-jeedinteyda, “Kalfadhiga 2-aad ee Baarlam

Soomaaliya ha midowdo!

Qaranku ha guuleysto!

DHAMMAAD