[AKHRISO] Norway oo sheegtay in ciidamo Soomaali ah aay qeyb ka ahaayeen dagaalka Tigray

Reading Time: 2 minutes

Warbixin aay qortay hay’ad laga leeyahay dalka Norway ayaa lagu xaqiijiyay in ciidamo Soomaali ah aay qeyb ka ahaayeen dagaalka Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Tigray. Warbixinta ayaa lagu sheegay in Abiye Axmed, Asiah Afawerki & Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aay ku heshiiyeen in cudud millatery lagu qabto maamulka Tigray, iyo mucaaradka & Dowlad Goboleedyada Soomaaliya, heshiiskan oo loogu magac daray Asmara Agreement ayaa seddexda hoggaamiye waxaa uu ku dhex maray magaalada Asmara Janaury 27, 2020 sida lagu sheegay warbixinta.

Dagaalka Tigray ayaa hada maraya bishii sagaalaad. Iskahorimaadkan, ayaa ku billowday wax uu RW Itoobiya, Abiy Ahmed ku tilmaamay wax aan ka badnayn “Howlgal lagu soo afjarayo sharci darro ka jirta gobolka Tigray” bishii Nofeembar 2020.

Markiiba waxay isu beddeshay khilaaf gobol ay ku lug leeyihiin ciidamada Eriteriya iyo Soomaaliya iyo ciidamada gaarka ah ee Amxaarada. Tigreega waxaa si deg deg ah looga qabsaday Mekelle iyadoo inta badan gobolka uu galay Gacmaha Itoobiya & Eriteriya.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay “Dagaalkii ka qarxay Tigreega habeenkii 4 November 2020 ayaa la qorsheynayay bilooyin, xiisadan oo sii kordhaysa ayaa  Hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Ereteriya, Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki waxay qorsheeyeen weeraro ka dhan ah qoomiyadda Tigreega, iyagoo lala kaashanayo hoggaamiyaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed ”.

Waxaa sii kordhaya warbixinada caalamiga ah iyo wararka sheegaya in ciidamo Soomaali ah aay qeyb ka ahaayeen dagaalka Tigray, waxaana ilaa hadda arrinta aan ka hadal Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo waalidiintii dhalay carruurta loo qaatay Eriteriya aanay helin wax jawaab ah iyo halka aay ku sugan yihiin carruurtooda.

Halkan ka akhriso warbixinta oo ku qoran afka Ingiriiska (RIIX HALKAN)