Reading Time: < 1 minute

Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.
MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
315 days
01 hours
01 minutes
32 seconds

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa magacaabay guddiga qabanqaabada shirka Wada-tashiga Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa magacaabiddaan sameeyay kahor inta uusan maanta u safrin dalka Jibuuti halkaas oo uu sheegay inuu ka helay casuumaad uu u sameeyay madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Shirka wadatashiga ah ayaa ujeedadiisu tahay, si looga tashado mustaqbalka Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta Soomaaliya.

Xubnaha uu madaxweynaha magacaabay ayaa waxay kala yihiin.
  1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda – Gudoomiye.
  2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada – Gudoomiye ku-xigeen.
  3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha – Xubin.
  4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha – Xubin.
  5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha – Xubin.
  6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan – Xubin.
  7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan – Xubin.
  8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka – Xubin.
  9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.
  10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka – Xubin.
  11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka – Xubin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here