Midowga Musharaxiinta oo maanta ka qeyb galay shirka Doorashooyinka ayaa u gudbiyay Madasha cabashooyinka aay qabaan. Warqad ka soo baxday Midowga Musharaxiinta ayaa lagu faahfaahiyay cabashadaas taasoo ka kooban
- Odayaasha dhaqanka
- Ergada
- Musharraxa
- Madaxbannaanida Guddiyada
- Qoondada Haweenka.
- Amniga Dalka iyo Doorashooyinka.
Iyagoo sheegay In Raysalwasaaraha iyo golaha wasiirada ay si buuxda masuul uga noqdaan amniga dalka, madaxweynihii horena uu ku ekaado murashaxnimadiisa, sida uu dhigayo dastuurka kmg ah, waa in Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa ay xaqiijiyaan in ciidanka laga dhex saaro arrimaha siyaasadda.
Golaha Midowga Musharraxiinta wuxuu halkan idinku soo gudbinayaa soo jeedin ku aaddan sixitaanka hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashooyinka. Goluhu wuxuu adkaynayaa in la saxo habraaca doorashada, si ay natiijadeeda u noqoto mid la aqbalo, dalkana deggenaan iyo xasillooni u horseedda. Odayaasha dhaqanka