Sidee Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka iskiis ugu fasaxi karaa Kuraas aan looga dacwoon Guddigiisa..? (Akhriso Khaladaadka ku jira Qoraalka laga faafiyey)
Waxaa Baraha Bulshada lagu shaaciyey qoraal la sheegay inuu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Xalinta khilaafaadka Maxamed Cawil Warsame, kaasoo lagu fasaxayo kuraas lagu doortay dhowaan magaalada Beledweyne.
Qoraalkan oo aan la xaqiijin sax ahaanshihiisa ayaa waxaa ka muuqda khaladaad waaweyn oo shaki gelinaya, iyadoo ay faafintiisa bilaabeen taageerayaasha Fahad Yaasiin iyo Farmaajo ayuu hadaana wuxuu khilaafsan yahay qoralaadii Guddigan iyo shaqadii loo xilsaaray
Qoraalka oo ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay u ay tahay in lagu fasaxo Kursiga uu kusoo baxay Fahad Daahir Axmed ayaa khaladaadka ku jira waxaa ka mida:
1- Inuu yahay (haddiiba ay sax tahay Warqada) go’aan uu keligiis qaatay Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka.
2- Waxaa kaloo la yaab leh in Qoraalka laga bilaabay guddoomiyaha oo shaqsiyadiisa ku hadlaya, iyagoo uu guddigu go’aannada ku gaaro codeyn.
3- Inuu ka hadlayo fasixid kuraas aanu Guddiga Xalinta Xalinta hakin, wax shaqo ahna ku laheyn, balse aan kasoo gudbin oo kursi ka mida uu xayiray Guddiga Heer Federaal ee doorashada (FEIT).
4- Inuu amray Shahaado rasmi ah in la siiyo xubnaha kusoo baxay Lixda Kursi ee Beledweyne lagu diirtay oo kan Fahad Yaasiin ka mid yahay, taasoo u muuqata hordhac ay soo qorteen xildhibaanno la doortay oo cabsi qaba.
Qoraalka kasoo baxay Guddoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa lag micneyn karaa go’aan shaqsi ah oo ay saameyn ku yeelatay madaxtooyada oo dagaal maalmahan kula jirtay Guddiga FEIT iyo Guddoomiyihooda markii ku adkeystay go’aanka kursiga HOP086 oo markii la hakiyey la qabtay Doorashadiisa.