Iyado xalay ay kulmeen Gudoomiye Jawaari iyo Madaxweyne Farmaajo aya waxa so baxaya warar laga helaayo hadaladii sababay in kulanka la isku fahmi waayo.
Madaxweyne Farmaajo aya waxa uu xalay Gudomiye Jawaari u muujiyay in uu taager san yahay Saxiibadisa Qiyaano Qaran ee Fahad Yasiin Iyo Kheeyre.
Madaxweyne Farmaajo Ayaa Gudomiye Jawaari ka Codsaday Inuu is Casilo oo uu u tanaasulo Kheeyre isago oo dantiisu ay tahay in jawaari uu meesha kaga baxo.
“Mudane Arinkii Dhexdhexaadinta aheed Waan Ku soo Guul dareystay. Kheyre iyo Fahad Yasin waxeey isku raaceen in Aad Adiga Tanaasul sameyso Oo aad Xilka ka dagto” ayu yiri madaxweyne farmaajo.
Gudoomiye Jawaari oo ka carooday shekeda cusub ee uu madaxweyne Farmaajo la yimid iyo qorshaha cusub ee Qiyaano Qaran la doonayan ayu ka caroday hab dhaqanka liita ee Madaxweyne Farmaajo isago si careysan ula hadlay shirkiina isaga baxay.
“Waxaan Ku heystay Madaxweyne la doortay oo Talo iyo Toosin leh. Balse hada waxaad u Hadashay Sida Qof Fariimo kala Gudbiyo. Hadii uu hadal kaaga Sidaas yahay. U sheeg Kheyre iyo Muudeey ineey Iyaga is casilaan. Adigana Fahad Yasin Aad Shaqada ka buriso”
Madaxweyne Farmaajo oo u muuqda fariin gudbiye ay so dirsadeen muudey,fahad yasiin,kheeyre aya halkaasi kala kulmay ceeb xoogan waxaana uu dalka u hosedayaa in foodo ay ka dhacdo maadama uu dhexdhexadintiisu isu badashay mid dhinac ah.
Maalinka beri ah aya waxa dalka uu gali doono malin xaalkeda alow sahal ah Kooxda Qiyaano Qaran ayana talada Dalka haleynaya xili ay berito kulanka lagu madal san yahay Golaha Shacabka uu noqon doono mid laba gole uu yelan karo xili muudeey uu amin san yahay in kulanka uu shir gudomiye ka yahay.