AKHRISO: Madaxweynuhu Wuu Safaro Badsaday Heshiisyada uu Sheego Away Dhaqan Galkooda, Lacagaha uu Saxiixose Xagu Geeya

Reading Time: < 1 minute

Iyado uu dalka Qadar uu ku maqan yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdu laahi Maxamed Farmajo aya waxa uu Farmajo caado ka dhigtay adida Safaro u muuqda Dalxiis iyo Heshiisyo Lacagahooda lacuno.

Madaxweyne Farmaajo 24 jeer ayuu dalka Dibadda uga baxay sanad iyo 3 bil oo xukunka hayey, waxana uu mar waliba uu shacabka u shegaa in heshiisyo malaayiin dollar ah uu soo saxiixay dhawana la fulin dono waxana muuqan wax ka fula heshiisyadaasi,iyado dadkena Hiiran iyo Gedo ay waxyeelo xoogan kala kulmen Fatahada wabiyada.

Ruwadaha madaxda Dalkeena ay jilaan aya ah kuwa ay kaga been aburan shacabka iyado Lacagaha ay kuso helaan magaca Soomaaliyeed ay ku xareeystaan Akonadooda Gaarka ah.

Madaxweyne Farmajo waxa cad joogistiisa iyo bixistiisa in ay isku mid yihiin sida cadna safarada Madaxweyne Farmaajo waa kuwo dalxiis dadban ah.

Kaliya hadan ka xasuusino Aqrista Away Heshiisyadan:

Waxa uu horay u saxiixay Heshiiskii horumarineed ee ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Dowladda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) oo lacag dhan $300 milyan ku bixineysay, looguna talogalay arrimaha maamul wanaagga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka, xagee ka baxeen ma Ruwaayad bey ahaayeen.

Dowlada Qadar waxa horey u ballanqaaday Sanduuqa Horumarinta iyo Hay’adda Gargaarka ee Dowladda Qatar oo safarkii hore ee Farmaajo la sheegay inay sameynayaan maalgelin ay ku kaceyso lacag dhan $200 milyan oo loo qorsheeyay dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, xarumaha dowladda iyo shaqo abuurka dhallinyarada.

Waxa muuqata in Kooxda Qiyaano Qaran ay dhibateynayaan Shacabka Soomaaliyeed iyago gabay Shaqooyinka mudna in qabtan iyago Heshiisyo gaar ah la gala hey’adaha Iyo Wadamada Dhaqalaha Heysta iyago Akoonadooda buuxsaday si doorashoyinka danbe ay ugu so baxaan.