AKHRISO: Madaxweyne Gaas oo Magacaabay Xil cusub

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26 February 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Shaqada Iyo Shaqaalaha Iyo Dhalinyarada Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu Qiimeeyey: Aqoontiisa iyo Khibradiisa Shaqo.

Markuu Tixgeliyey: Tala soo Jeedinta Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland.

Waxaa Axmed Maxamuud Cabdalle (Tigaana) loo magacaabay Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Shaqada, shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dawladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!