Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qoraal u diray wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya, qoraalkaan ayaa looga faalooday ka go’naashaha Puntland ee hanaanka dimoquraadiyeynta.
Qoraalkaan oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu cadeeyey in Puntland ay ka go’antahay inay sii dhaqaajiso dadaalka ay ugu jirto qabsoomidda doorashooyin qof iyo cod ah iyo hir-gelinta hanaanka xisbiyada badan.
Dabayaaqadii sanadkii hore ilaa seddax degmo oo ka tirsan Puntland ayey doorashooyinkaan ka qabsoomeen, balse shaki badan ayaa dhashay markii hal maalin ay is-casileen guddoomiyihii iyo guddoomiye ku xigeenkii guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland.
Guddoomiyihii is-casilay ee guddiga doorashada Puntland Guuleed Saalax Barre ayaa xukuumadda Saciid Deni ku eedeeyey inay ka shaqeyn waayeen, sidaasna uu isku casilay, balse xukuumadda Puntland ayaa hadda ka jawaabtay eedeyntaas.
“Madaxweynaha Puntland waxuu 13-kii Janaayo 2022 la kulmay guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland, waxuu kala hadlay dhameystirka golayaasha degmooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho, madaxweynuhu waxuu kaloo kala hadlay guddiga sidii loo sii amba qaadi lahaa doorashooyinka degmooyinka haray ee Puntland,” ayaa lagu yiri qoraalka ay Puntland u dirtay beesha caalamka.
Sidoo kale Puntland ayaa qoraalkaan ugu mahad celisay beesha caalamka oo taageero ka geysatay hir-gelinta doorashooyinkaas, iyadoo balan qaaday inay ka go’antahay qabashada doorashada degmooyinka kale ee Puntland.
Hoos ka eeg qoraalka Puntland