[Akhriso] Kenya oo xanibaad ku soo rogtay duulimaadyada Somalia

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Kenya ayaa ku soo rogtay xannibaad dhinaca safarada diyaaradaha isaga goosha Somalida & Kenya.

Kenya ayaa maanta shaacisay in wax diyaarad ah oo Soomaaliya uga imaan kara aanay jiri doonin, illaa bisha sideedaad ee sanadkan (August), Sida aay maanta shaacisay Dowladda Kenya oo warqad faafin degdeg ah kusoo saartay.

Majirto diyaarad ka baxaysa Xamar oo tagaysa Nairobi, mana jiri doonto diyaarad Kenya kasoo baxaysa oo Soomaaliya imaan doonta, sida Kenya ay sheegtay.

Soomaaliya ayaa dhawaan iska diidday in wadanka la geeyo Qaadka Kenya taasoo Kenya aay uga jawaabtay xanibaadda duulimaadyada labada dal.