Iyada oo ay wali socoto wadahadalada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa waxaa MOL ay heshey nuqulkii (1st draft) u horeeyay ee heshiiska lagu wado in maalinta berita la soo saaro hadii dhaamaan ka qaybgalayaasha shirka isku si wada isgu waafaqaan.
Qodobada muhimka ah ee ay madaxda ka qayb galisayo shirk Wadatashiga Qaran ay isku waafaqeen waxaa kamida;
- In Gudiyadii doorashada ee khilaafka ka dhashay loo ogolaado in iyaga dhexdooda ay hogaan cusub iska soo doortaan, In isbadal lagu sameeyo gudiga Xalinta khilaafaadka gaar ahaan kuwii horay shaqa fariisinta loogu sameeyay
- Maadaama la diiday rabitaankii Ra’iisal Wasaare Rooble ee ahaa in Amniga dalka isaga lagu soo wareejiyo, waxa la isla gartay in Amniga doorashooyinka ay gacanta ku qabtaan Ciidanka Nabad Ilaalinta ee AMISOM, gaar ahaan deegaanada ay AMISOM saldhigyada ku leedahay.
- Maadaama RW Rooble ku adkeeystay in Amnigiisa uu ku aamini karin ciidanka Madaxtooyada jooga waxaa la isla gartay in AMISOM ay si buuxda ula wareegto amniga madaxtooyada, ( waa hadii uu ogolaado Farmaajo oo lagala tashan doono)
- Inkastoo oo aan wali si buuxda la isugu waafiqinin, waxaa la isla gartay in doorashada ay ka dhacdo labo deegaan, hadii ay ka jirto colaado ama sababo aan saamixi karin in doorasho ka dhacdo deeganada horay loogu asteeyay doorashada, in loo wareejiyo doorashada magalaayinka lagu qabtay doorashada 2016 (taas oo micnaheedu tahay in doorashada ka dhacdo hal deegaan)
- In odoyaasha dhaqanka ee 135 laga tala-galiyo doorashada, taas macnaheedu ma aha in iyaga loo deynayo in ay soo xulaan xildhibaanada, laakiin ay talo ku yeeshaan xulida xildhibaanada.. madaxda qaar ayaa ku dooday in qaar kamida odoyaasha ay dhinteen qaar kale ay Al Shabaab ka amar qaataan taas oo khatar ku noqoneysa amniga doorashada
- In aan dib loogu noqon kuraastii doorashada ee horay loo soo qabtay, laguna xushmeeye madaxda dowlada gololeedyada ee horay go’aankaas u qaatay. Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa dhankooda balanqaadaya in wixii hada ka danbeeya ay raaci doonaan habraaaca doorashada ee horay loogu heshiiyay.
- In Doorashada la soo dhameeyo ka hor 31ka bisha Maarso ee sanadkaan – 45-60 maalmood gudahoodna lagus oo dhameeyo. Iyada oo la tilmaamayo xiliyada doorashada ee hogaanka baarlamanka iyo kan madaxweynaha.
Caawa ayaa gudiga farsamo lo xilsaaray qoraalkaan ay si buuxda u turxaan bixin doonaan nuqulka ugu danbeyeeyay kaas oo la filayo in berito galab la faafiyo
FG: waxaa macquul ah in qodobada kor ku xusan, markale isbadal lagu sameeyo, maadama uu wali shirku socdo, kalsooni daro badana ay ka dhexjirto ka qayb-galayaasha shirka
Warar dheeraad ah naga filo!!