Reading Time: 2 minutes

Dad badani waxaysan ogeyn sababta ay barlamanka dalka uga aamusan yihiin dhibaato kasta oo ay xukuumadda geysato nooc kasta oo ay tahay sida ku tagrifal awoodeed, ku xadagudub xuquuqda muwadiniinta, ku tumashada distuurka dalka, arxandarrada joogtada ah, burburinta maamul goboleedyada iyo musuqmaasuqa baahsan.

Muqdisho online oo si aad ah uga welwelsan xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo ka aamusnaanta barlamankii doortay xukuumaddan,  ayaa dabagal dheer ku sameysay sababta keeni kartaa in 329  xildhibaan oo muslimiin ah inay ay hal mar wada dayacaan mas’uuliyaddii ay Allah kutubkiisa ugu dhaarteen. MOL waxay ogaatay inay jidho axdi (beyca) ay wada galeen labada laamood ee Sharci dajinta (barlamanka labadiisa aqal) iyo Sharci fulinta (Xukuumadda iyo Madaxtooyada). Beycadaas waxaa ku qornaa inay labada hay’adood wada shaqeystaan si aaney marnaba u dhicin inay isla xisaabtamaan, taas oo khiyaano qaran oo ay ku heshiiyeen labada hay’adood.

Guddoonka barlamanka ee hadda joogaa ayaa saxeexay beycada lala galay madaxtooyada, beycadaan oo uu horay u diiday gudoomiyihii hore ee barlamanka Mudane Jawaarey ayaa waxaa si farxad leh u saxeexay mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxman.

Halkaan hoose ka akhriso beyncada uu saxeexay gudoonka Barlamanka, kadib markii uu diiday Jawaarey, sbabataas darteedna loo riday.

MUDADA KA HARSAN XILKA XAFIISKA MADAXWEYNE FARMAAJO
349 days
21 hours
30 minutes
33 seconds

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here