AKHRISO: Golaha Shacabka oo ka jawaabay faafinta wararka been abuurka ah ee Xukumada kheyre

Reading Time: < 1 minute

War qoraal ah oo Maanta ka soo baxay Xafiiska Gudoonka golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu beeniyey war qoraal ah oo kan ka horeeyey kaas oo lagu sheegayay in gudoomiye Jawaari uu u diray Beesha Caalamka.

Xogheyaha Golaha Shacabka Cabdi Kariin Buux,oo Maanta soo saaray qoraalka uu ku beeninayay wararka lagu faafiyey Baraha Bulshada ee sheegayay in Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu warqad u diray Beesha Caalamka ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah oo an waxba ka jirin waxa uuna ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka digtoonaadaan.

Xukumada kheyre oo dagaal xoogan kula jirta gudioomiye jawaari aya sameyneysa faafinta warar been abuur ah oo ay ka qorayan gudoiomiye jawaari xili xaaladooda ay u muuqato mid lagaga adkaaday loolanka.

 

HOOS KA AQRISO WAR MURTIYEDKA XOGHAYAHA: