(Akhriso) Dowladda Jabuuti oo ka jawaabtay eedeeyntii Dowladda Farmaajo

Reading Time: 2 minutes

War saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Jabuuti ayeey dowladda Jabuuti si faahfaahsan uga hadashay xaaladda ka taagan xuduudda labada dal ee Soomaaliya & Kenya. Dowladda Jabuuti ayaa iska fogeysay eedeynaha aan salka lahayn ee shalay ka soo yeeray Dowladda Soomaaliya.

“Jabuuti waxay kaliya u dhaqaaqdey hal hadaf oo cad kaasoo ah in ay ka caawiso labada waddan ee walaalaha ah in ay hoos u dhigaan xiisadda,” ayaa lagu yiri qoraalka

Qoraalka oo ku taariikheysan 28-ka Janaayo laguna caddeeyay warbixinta loo gudbiyey shir-gudoonka Golaha guud ee IGAD oo ah Sudan ayaa la raaciyey: “Jabuuti waxay raacdey qaab aan dhinac u jaranjeerin”.

Nuxurka War saxaafadeedka ayaa u qornaa sida hoose:

Dowladda Jabuuti waxay xaqiijineysaa in howlgalka xaqiiqo raadinta ee IGAD ee ku saabsan xaalada ka dhex taagan Kenya iyo Soomaaliya uu yahay natiijada ka soo baxday go’aankii ay gaareen madaxda dowlad goboleedyada iyo IGAD shirkii 38aad ee aan caadiga ahayn ee IGAD ee lagu qabtay Jabuuti bishii Diseembar 20, 2020 iyo kaas oo u igmaday Jamhuuriyadda Jabuuti inay fuliso hawlgalkan.

Howlgalka waxaa lagu fuliyay ogolaanshaha Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Kenya. Booqashada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya waxay dhacday 9kii ilaa 13kii Janaayo 2021.

Shuruudaha garsooraha guddigan xaqiiqa raadinta ah wuxuu salka ku hayey cabashooyin uu madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Cabdullah Farmaajo oo ku eedeeyay Kenya faragalinta arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Dowladda Jabuuti waxay shaaca ka qaadeysa in howsha loo igmaday loo fuliyay si aanu shaki ku jirin isla markaana lagu soo dhameeyay si xirfadeysan oo dhexdhexaadnimo ah