Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo aya lagu wadaa in maalinta Axadda ee bisha Maarso ay tahay 15, 2020 uu socdaal ku tago magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo kulan seddex geesood ah ku dhex mari doono MW Farmaajo, Uhuru Kenyatta iyo RW Itoobiya Abiye Axmed maalinta Isniinta ah ee taariikhda tahay Maarso 16, 2020. sida MOL ay ogaatay.
Agendaha kulanka aya waxaa ku jira qodobo horay looga ballamay waxayna kala yihiin.
- In Madaxweyne Farmaajo uu kala baxo ciidamada uu keenay xuduudadda ee duulaanka ku ah Jubbaland.
- In labada dal ay joojiyaan dacwadaha ay isugu gudbinayaan Qaramada Midoobay iyo in labada dhinac ay joojiyaan farriimaha la isku marsiiyo saxaafadda.
- In Madaxweyne Farmaajo uu ogolaado in kiiska Badda ee Soomaliya iyo Kenya wada hadal lagu xalliyo iyadoo labada dal ay wakiilanayaan urur goboleedka IGAD iyo Ururka Midowga Afrika.
- In si caadi loo soo celiyo xiriirka diblomaasiyeed ee labada dal sida ugu dhaqsaha badan.
- In MW Farmaaajo uu ogolaado isla markaana aqoonsado maamulka Jubbaland.
Bishan aaynu ku jirno 10keedii ayaa Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, uu u diray wafdi heer sare ah oo uu hogaaminayo wasiirkiisa arrimaha gudaha, Fred Matiang’i, caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.
Ujeedka Safarkaas ayaa aha in lala wadaago RW itoobiya ajendaha kulanka labada Madaxweyne ee lagu heshiiyay.
MOL oo la hadashay saraakiil ka tirsan Villa Somalia ayaa noo sheegay in weli aanu go’aan laga gaarin taariikhda laga soo celinaayo ciidamada dowladda federaalka ay geysay gobolka Gedo. Taasoo haddii aanan ciidanka laga soo saarin gobolka Gedo inta aanu madaxweynaha tegin magaalada Nairobi aay suurto gal noqoneyso in Madaxweyne Farmaajo uu dib u dhigo safarkiisa.
Halka hoose ka akhriso casuumadda Uhuru Kenyatta uu u diray MW Farmaajo