Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah yeelanaya mid kamid kulamadoodii caadiga ahaa ee kalfadhigan 7-aad, waana kulankiisii afaraad.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah ka doodista xeerka qoondada haweenka oo ka mid ah afarta xeer ee guddiga wadajirka ah loo xil saaray inay ka soo talabixiyaan.
Xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargeliyay inay Sabti maanta ah ay soo xaadiraan xarunta golaha 90:00am oo barqanimo.
Maanta ayaa lagu wadaa in xildhibaanadu ay dood adag ka yeeshaan sida loo sugi karo qoondada haweenka oo ka mid ah qodobada mudo lagu muransanaa ee ku jira sharciga doorashooyinka.