Ajaaniib ka tirsan ururka Al Shabaab oo maanta xukuntay Maxkamadda ciidamada

Reading Time: < 1 minute

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun adag ku ridday laba nin oo ajaaniib ah, isla-markaana muddo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Ajaaniibtaan la xukumay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Dereyn Antonio Perez oo 44 jir ah, una dhashay Britain iyo Axmed Mustaqiim Binu Cabdixamiid oo 34 jir Malaysian ah.

Maxkamadda ciidamada ayaa sheegtay in raggan ay kooxda Al-Shabaab ku soo biireen sanadihii 2009-kii iyo 2010-kii, si ay xoog iyo xeelad-ba ugu biiriyaan Shabaab.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada ayaa shaaca ka qaaday in Darren Anthony Byrness uu ka qeyb-qaatay dagaallo ka dhacay Muqdisho, Galgaduud,Gedo iyo Shabeelooyinka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!