AhluSunna oo sabab u noqotay in Qoor Qoor Guriceel u aqoonsado degmo

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in degmo buuxda ay noqoto magaalada Guriceel ee gobolka Galguduud. Ansixinta degmanimo ee Guriceel ayaa timid kadib markii horay ay Golaha Wasiirada meel mariyeen maqaamka degmada Guriceel.

Waxa la rumeysan yahay in dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Guriceel  ee u dhaxeeyay dowlad goboleedka Galmudug iyo ururka AhluSunna uu door weyn ku lahaa go’aanka ay qaadatay dowlada Galmudug oo ay u aqoonsatay Guriceel degmo buuxda. Dagaalka ka hor ayaa Qoor Qoor uu diiday in uu Guriceel u aqoonsado degmo.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!