Xildhibaanada Ahlusunna ee ku jira Baarlamaanka Galmudug ayaa dowlada faderaalka ku eedeeyay in ay Af-duubtay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo labadiisa ku-xigeen.
Kulanka lagu doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa ka maqnaa Xildhibaanada Ahlusunna ee ku jira Guddiga Doorashada, waxaana Ahlusunna talaabada lagu doortay Guddoonka ay ku tilmaameem mid afduub ah.
Xildhibaanada Ahlusunna oo warbaahinta kula hadli doona Magaalada Dhuusamareeb ayaa la filayaa inay ka hadlaan sida wax u socdaan oo ay sheegayaan in ay jirto faragalin qaawan oo dowladdu ku wado howlaha doorashada Galmudug.
Si kastaba Doorashadii lagu doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada iyo ku-xigeenkiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Galmudug