Ahlusunna oo mar kale DFS ku edaysay in ay Afduub ku hayso Doorashada Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Madaxa Xukuumada Galmusug Sheekh Maxamed Cali Xasan ayaa mar kale sheegay Dowladda dhaxe iney Afduubatay Hanaankii Doorasho ee Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa lagu sheegay in heshiiskii Ahlusunna iyo Galmudug uu qeyb muhiim ah kan ahaa geedi socodka Galmudug, hayeeshee ay gabi ahaan heshiisyadaas afduubatay dowladda Federaalka.

Sidoo kale Ahlusunna ayaa dowladda Federaalka uga digtay hadii ay wax ka bedeli weydo sida haatan wax uga wado Galmudug in iyaga oo kaashanaya dad reer Galmudug oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka iyo Waxgaradka inay dhisi doonan Galmudug loo dhan yahay.

Khilaaf Xoogan ayaa ka dhax tolan ama ka dhax shidan Madaxda Dowladda, Ahlusunna iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, kuwaa oo isku fahmi la Doorashada Galmudug.